|

Xoghayaha Cadaaladda WADDANI Oo Ka Hadlay Xukunka COLDOON Iyo Xayiraadda HAATUF

Ceerigaabo 13. April 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Xirsi oo ku sugan Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag, ayaa Cambaareeyay Xadhigga iyo Xukunka Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Barkhad Jaamac Xirsi oo u warramay Weriyaha HCTV ee Gobolka Sanaag, ayaa sidoo kale ka hadlay Xayiraadda Wargeyska Haatuf oo Saddex Sano jirsatay.

“Dastuurka iyo Xeerka Dalkeena midna kuma taallo Qof Muqdisho tagay baa la xidhayaa, Qodob Dastuuriya oo sheegayaa ma jiro, Xeer Goleyaasha Xeer dejinta ka soo baxay oo sheegayaana ma jiro. Haddii Dadka lagu Cabudhinayo Muqdisho ayaad la dareen noqotayna, Coldoon maaha Siyaasi ee Nin Samo-fale ah, ee haddii la leeyahay Soomaaliya ayaa arrimaheeda gashayna caddaynteeda in Bulshada loo sheego ayay ahayd.”

Xoghaye Barkhad wuxuu sheegay in Sharciga Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku xukuntay Weriye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon uu yahay Sharcigii Dawladdii Milletariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre “Marka Soomaali-weyn laga hadlayo, Xeerka Ciqaabta iyo Habka Ciqaabta waa Xeerarkii Soomaaliya, ka Coldoon lagu Xukumay ayaa Xeerkii Soomaaliya ah, haddana isagii baa Soomaaliya lagu haystaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu Xukuumadda ugu baaqay in Xayiraadda laga qaado Wargeyska Haatuf oo uu sheegay inuu Sannadkii Saddexaad u xayiran yahay Musuqmaasuq jiray oo uu soo bandhigay.

“Wargeyska Haatuf oo Sannadkii Saddexaad xidhan, wuxuu ku xidhan yahay musuq jiray iyo Maamulkii Dalka oo Cid aan Masuuliyad loo diran ay Marin-habaabisay oo uu sheegay. Waxaanu leenahay Xorriyad-qawlka ha laga dagaalamina ee siidaaya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xukuumaddani intii ay jirtay Tacadiyadii ugu badnaa ayaa ku dhacay Suxufiyiinta, wax loo dul-qaadan karayo, lana Aqbali karayo maaha, oo waa wixii Dadkani kula dagaalameen Dawladihii hore. Waxaanu Cidda Maamulka Dalka Gacanta ku haysa ugu baaqaynaa in aanay Xorriyad-Qawlka ilaaliso. Xadhigga Weriye Cabdimaalik Coldoon waa Xadhig ka baxsan Sharciga Dalka, Waayo? Xitaa Qofka haddii la genaaxayo Xadhiggiisu waa Saddex bilood iyo wax la mid ah, laakiin Xadhig 2 Sannadood ah oo aan la iibsan kareynin, waa Xadhig uu ku jiro Aargoosi nooc kale ahi.”

Comments are closed