Xoghayaha arrimaha Dibadda Maraykanka oo Ku Laabanaya Washington Xili aanu Ku Guulaysan Khilaafka Dalalka Khaliijka
Doha 14. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arimaha dibada ee Maraykanka Rel Tellerson ayaa Shalay galab soo gebagebeeyey hawlgalkiisii uu ku joogay gobolka Khaliijka carabta, oo uu ku doonayey inuu ku wadahadalsiiyo dawlada qatar iyo dalalka kale ee Xidhiidhka u jaray.
Mr Tellerson ayaa markii uu ka laabanayey gobolkasi waxa uu u muuqday in aanu ku guulaysan hawshii uu halkaa u yimid oo la odhan karo waa khilaafkii diblumaasiyadeed ee ugu xumaa ee dalalka khaliijka carabta soo kala dhex gala.
Ka dib muddo afar maalmood ah oo uu u kala dab qaadayey dalalka khilaafku soo kala dhexgalay gaar ahaan sucuudiga iyo Qadar sidoo kalena uu booqday dalka dhexda u ah ee Kuweyt ayaa Mr Tellerson waxa uu ugu dambayntii shalay galab ka ambo baxay magaalada Dooxa oo uu kula kulmay amiirka Qatar Sh Tamiim markii labaad muddo 18 saacadood gudahood ah.