Xoghayaha Arrimaha Dibada UCID oo naqdiyey Siyaassda Arrimaha Dibada Somaliland
Hargaysa 10, June 2012 (Qurbejoog.com)- Xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Ucid Md. Maxamed Haruun Biixi, ayaa ku tilmaamay siyaasada arrimaha dibada ee xukuumada xMadaxweyne Siilaanyo mid aanay ka muuqan wax bisayl siyaasadeed ah iyo qorshe lagu hago toona, ee ay tahay oo kaliyaata dhaqdhaqaaq uu samaynaayo hal masuul.
Maxamed Haruun oo ah aqoonyahan bartay xidhiidhka caalamiga ah iyo horumarinta wadamada soo koraya, waxa uu si hufan u lafa guray waxyaabaha si rasmi ah u hortaagan in wakhtigan la aqoonsado Somaliland,waxaanu tilmaamay in war war badan uu wakhtigan ka hayo sida loo maamuulo siyaasada arimaha dibada, ugu danbayntiina waxa uu masuulkan madaxweynaa u soo jeediyay in uu ku dhaqaaqo talaabooyin uu dib ugu habaynaayo siyaasada arimaha dibada ee Somaliland iyo in la qabto doodo lagu jihaynaayo sidii loo socodsiin lahaa siyaasada arimaha dibada.
Xoghayaha arimaha dibada ee Ucid Maxamed Haruun waxa uu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu wargaysaka Geeska Afrika ku siiyay xafiiskiisa, waxaanu u dhacay waraysigaas oo ahaa mid xanbaarsanaa aqoon badan oo caawinayasa ictiraafka Somaliland sidan
Waxaad ugu horayntii ku waydiin lahayn bal xaalada wakhtigan ee siyaasada arimaha dibadu ay ku sugan tahay iyo waxa hortaagan ictiraafka Somaliland, maadama oo ay aqoontaaduna tahay oo aad soo baratay xidhiidhka caalamiga ah iyo horumarinta wadamada soo koraaya?
Arinta ictiraaf raadinta Somaliland ama dawladnimo ay Somaliland gaadho, haddii wadanka aan la aqoonsanayan dawladnimadiisu taam maaha, inta badana hadii aqoonsi la’aantaasu ay wakhti qaadato wadankaasu inuu baa’bo oo himiladiisii fashilanto ayay u badantahay, haddii aqoonsi l’aantu ay raagto, oo xaalada aqoonsi la’aantu xaalad rasimiya oo lagu waaro maaha ee in laga baxo oo la aqoonsado oo uu dalku dal jira noqdo iyo in dib loo noqdo, markaas kolayba xaalada aqoonsi la’aantu mid lagu waaro maaha ee dhan looga baxaaba waa laga baxaa.
Somaliland maxay halkaas dhexe u taagantahay ee loo aqoonsan waayay ?
Hadaan soo koobo oo aan soo ururiyo arimaha hortaagani waa dhawr qodob, Somaliland waxay dalbatay sanadkii lixdankii intii aanay is raacin Somalida kale shantii casho ee ka horeeyay sidii ay xaaladu ahaa in loo aqoonsado, ayan dib ugu noqotay, aduunyadana waxay ka dalbatay in loo aqoonsado inay xaaladaas dib ay dib ugu laabatay iyo qaranimadeedii oo ay soo ceshatayba, waana arin jirta oo xaga sharciga caalamiga ah tixraac ku leh.
Laakiin bulshada caalamku arintaas waa ay garawsan wayday, sababta ay u garawsan waydayna maaha inay arintu gardaro tahay, ee arintu kar weeye, Somalilandna dood dhanka qaynuunka ah oo xoog badan ayay leedahay.
Arimaha ugu muhiimsan ee laynoo aqoonsan waayay marka runta loo noqdo waxay tahay, iyada oo ay bulshada caalamku aqoonsadeen ilaa imikan ay ku dhagan yahiin midnimadii Somaliya iyo is raacii ayna ku doodayaan in Somaliya iyo Somaliland ay wada hadal ku kala baxaan, oo ay israac ku heshiiyaan ama kala bax, waxii wada hadalkaas ka soo baxana ay bulshada caalamku aqoonsanayso, sidii Elateriya iyo Itoobiya ama Sudaan iyo Koonfurta Suudaan ayaa laynoogu xidhay, waxaanan is leeyahay sababta taas laynuugu xidhay ee doodeenaas saxda ah loo dhagaysan waayay inta badan waxa weeyeen iyada oo dane dhaqaale,Siyaasadeed ama Amni oo wadamada dibada ee aynu ictiraafka ka doonaynaa ay inaga leeyahiin aanay jirin oo muuqda iyo arintaas ah in israacii Somaliya oo la leeyahay waa inaad kala baxdaan mar hadii idinka oo wada jira oo laba dhinaca ah ku heshiiseen inaad is raacdaan imikana waa inaad ku heshiisaan inaad kala baxdaan.
Ictiraafkana sidiisaba maaha wax ay maxkamadi xukunto oo sida xisaabta oo kale inta laba laba loo geeyo ay afar toos ah soo baxayso, ee waa arin siyaasadeed iyo dano ay kaa leeyahiin wadamada aad ictiraafka ka doonayso, danahii ay lahaan lahaayeen wadamada ictiraafka laga doonayo oo aan meesha ka muuqan ayaa iyaguna ah arin kale oo jirta, arinta sadexaad ee ugu muhiimsan ee labadaas horaba ka sii daran waxa weeye dal marka uu ictiraaf doonayo kaligii ma dhaliyo, waa inay jiraan wadamo la saaxiib ah oo dantooda iyo danta wadankaas ictiraafka doonaya is garab dhigaya, oo arintii la doonaya xataa hadii iyagu aanay toos u aqoonsanaynin ayuu u baahan yahay, Somalilandna ilaa imika wadan ay saaxiibtinimadiisu heerkaas gaadhsiisantahay ma jirto, wadamo taariikh iyo waxaas ku dhisan ama sida Ingiriiska oo kale yidhaahda Somaliland caadifadbaanu u haynaa way jiraan, lakiin wadamo saaxiibtinimada ay Somaliland la leeyahiin gaadhsiisantahay heer dantooda iyo teena ay is barbar dhigaan lama gaadhin.
Markaas hadii wadan dibada ah oo arintaadii riixaya uu jiro waa muhiim, waayo inta badan laguuma ogla meelaha ay dawladuhu fadhiisanayaan maadaama oo aan lagu aqoonsanayan, lakiin wadan ku raba oo aad saxiib tahiin haduu jiro danahaaga isagaa gaynaya meelo badan oo aanay gacantaadu gaadhayn.
Marka intaas oo qodab la eego oo ay Somaliland ka dhaqaaqi la’adahay waxa ay muujinaysaa dooda ay siyaasiyiinta Somaliland sheegaan ee ah ictiraafkii uu soo dhaw yahay in aanay waxba ka jirin, waana khaladka ugu wayn ee ay siyaasiyiintu galaan, iyaga oo aan hawl ka galin iyaga oo og caqabadaha ka taagan arintan aynu qaadanay, intay iska dhaga maraan ay yidhaahadaan way soo dhawdahay, iyada oo aanay wax soo dhaw jirin waana dhibaatada ugu wayn ee Somaliland haysata, hadii lawada tashado oo wax laysla eego meel wax la mariyo lama waayo.
khaladka ay ku dhacaan siyaasiyeenteenuna waxa weeye inay dib u soo laabtaan oo ay yidhaadaan jihadii aynu marnay iyo qaabkii aynu ku soconay qaab soconaya uma eeka, xagaynu uga wareeganaa in la yidhaahdo oo dood qaran la furo ayay ahayd, lakiin taas maysamayn siyaasiyeenteenu waana cilad kale oo iyaduna jirta, markaas hadaan soo koobo dhawrkaas arimood ayaa ugu waawayn caqabadaha haysta Somaliland hadaynu nahay wadadii aynu raacnay, dee sidii looga wareegi lahaana waa arin u baahan in laga wada tashado oo run la isaga sheego.
Siyaasada arimaha dibada ee xukuumaddan talada dalka imika haysa muddo lagu qiimeeyn karo waa ay shaqaynaysay, shirar badan oo kii London iyo Istaanbuul ahbana waa laga qaybgalay, jihada siyaasada rimaha dibada ee wakhtigan sideebaad u aragtaa?
Waa uu jiraa isbadal ay xukuumadda Axmed Siilaanyo soo kordhisay, talaabo geesi nimo lehbaanay ahayd in qorshe cusub la keeno oo lagu dhiirado Somalidan ay wax inaga dhaxeeyaan, ee la leeyahay meelaha ay ku shirayaan iyo meelaha lagula hadlaayo ka soo qayb gali mayno, in laga soo qayb galo oo danta Somaliland laga sheego oo Somalida laftooda iyo bulshada caalamkaba loo sheego in xalka Somaliyeed iyo Somalilandba aynu u aragno in laba qaran loo kala aqoonsado Somaliya, in gole kasta laga sheego wax la’a wax ay inaga dhibaysaa majirto, waxay inoo hagaajiso mooyaane, waana siyaasad saxan oo ay dawladu qaadatay oo aanu ku dhiiri galinay markii shirkii London laga soo qayb galaayay.
Laakiin khaladaad baa soo baxay, anagu markii London laysugu yimi qurba joog ahaan iyo waxgarad ahaanba waxaan dawlada u sheegnay in mar haddii la qaatay qorshahaas cusub inay taladu ku dhisnaato wadatashi, oo gudi aqoon yahano ah oo xisbiyada,aqoonyahanada iyo dawladuba ay ku jiraan in la saaro, oo gudigaasu ay jaangooyaan siyaasadeenu qorshaha ay ku soconayso iyo sida Somali loola macaamilaayo iyo sida caalamkaba loola macaamilayo in la qorsheeyo oo qalin iyo warqad lagu dajio, oo gudigaasu ay u fadhiistaan ayaa laysku ogaa oo madaxweynuuna uu qabalay, lakiin arintii waxba kamay socon oo xukumadu kumay dhaqaaqin, mar hadii aan tii lagu dhaqaaqina waxa lagu dhaqaaqaaab qorsho la’aanbuu noqonayaa.
Shirkii London xukuumadu markii ay ka soo noqotay waxa ay sheegtay shirka Turkigana ay ka qaybgalayso, lakiin ayaamo kadiba waa ay qaadacday, mar kale ayay hadana ogalaatay ka qaybgalkiisa waxaanay sheegtay qaybta hore oo lagaga hadlaayo arimaha dhaqaalaha inay ka qayb galayso, lakiin waxay fadhiisteen qaybtii siyaasada ee ay laahaayeen kama qaybgalayno, is badbadalkaasu siduu kuula muuqdaa?
Waxa meesha ka muuqda laba arimood oo midi waa bisayl la’aan siyaasadeed oo in sidaas fudud iyada oo aan waxba la hubsan laysaga diido shir, oo hadana si fudud laysaga ogalaado iyada oo la leeyahay martiqaad kii hore ka meeqaam sareeya ayaa naloo keenay waxa weeyaan arin muujinaysa bisayl la’aan dhinaca siyaasada ah, marlabaadna waxay muujinaysaa qorshe la’aani inay jirto, oo haddii uu qorshe cad oo la raacyaa uu jiro waanu diidnay iyo waanu yeelanay may soo baxeen.
Waxa kale oo meesha ku jira in aan siyaasadii run laga sheegayn, markaa marka waxii laga run sheegi waayo waxii la qarsanayay ayaa markiiba iska soo baxaaya, wasiirka arimaha dibadu waxa uu ku dhawaaqay inay shirkii diidan yahiin, mar haday shirkii diideen waxii la qorsheeyay ee qaaditaan ahaan iyo dadkii ka qaybgalaayay waa la joojiyay, markii dhawr cisho ka hadhay ayay arintii si kale ugu muuqatay waana kuwii intay yidhaadeen waanu tagaynaa jeebkooda isku fan gareeyay [Xukuumaddu iyadaa lacagta iska bixisay ay Turkiga ku tagtay ayuu u jeedaa], wufuudii boqolaalka ahayd ee ay Turkigu geeyeen shirkana dhamanaatoodaba diyaarado dawlada Turkigu ay fangarayso ayaa lagu qaaday, taaso kale ayaana waftigeedna lagu qaadi lahaa, markaas khalad siyaasiya oo ay galeen ayay ahayd markii danbana waa ay la xumaatay oo waa kuwaas qorsho la’aanta ku tagay.
Waxaanay ceeb weyn ka dhacday inay yidhaahdaan shirkaas caalamiga ah ee ay dawlada wayn wadato qayb uunban ka qayb galaynaa ee qaybta kale ka qayb gali mayno, ceeb siyaasiya bay ahayd, waxa aan suurto galayn inay ahaydna qof kastaa wuu arkaayay, markay tageena waa kuwii shirarkii oo dhan ka qaybgalay, shikii maalinta koowaad waxa hogaaminayay raysal wasaaraha Somaliya Cabdiwali, waftigeenuna waxay noqdeen wafti sadex qof ka kooban oo ka soo hor jeeda wafti 300 oo qof ka kooban oo ka socda Somaliya, taasina may dhacdeen haddii si fiican loo tashado oo wafti boqol qof ama boqol iyo kontan ka kooban oo uu madaxweynuu hogaaminayo ayaa tagilahaa, lakiin bisayl la’aanbaa dhacday oo si aan macno lahayna waa loo diiday, si aan macno lahayna waa loo aqbalay, si aan macno la’ahayna waa looga qaybgalay.
Waxaas oo dhami hadday kuu muuqdaan maxaad u aragtaa xalka ama in arimahan lagaga gudbi karo?
Haddii siyaasada lagu dhiso waxaan run ahayn fashilkooda ayaa soo baxa markiiba, umadiina hankeedii ayaa ku jabaaya, waxii la wadayna wax lagu dhisay been iyo waxaan waaqici ahayn ayaa uu noqonayaa oo waa uu buburayaa, markaas anaga waxa war war badan nagu haya in sidaas fudud ee aan xaqiiqada ku dhisnayan loo maamulo siyaasadiiarimaha dibada, waxaan aragnay in wasaarada arimaha dibadu aanay ahayn wasaarad shaqaynaysa ee ay Somaliland maanta wasiir uun leedahay, waan tagay wasaarada oo waxa laygu yidhi madaxdii qaranku ma joogto oo wasiir ma joogo, agaasime guud wasaarada malaha baa laygu yidhi, qaybahii kala duwanaa ee hawlaha wasaawada wadi lahaa majiraan, wasiirkii iyo wasiiru dawlahii oo imika xanuunsanaaya wax wada shaqayn ah oo ka dhex jiray may jirin, waad ogayd agaasimahii guud ee wasaaradu markuu is casilay wax shira mudadii uu joogay in aan ay wasaaradu isugu iman ayuu sheegay.
Wasaaradu waxay kaga duwan tahay wasaaradaha in aanay lahayn wax qorsho ah oo u dajisan oo ay u ku socoto ama arimaha ictiraafka u gaar ah, markaas iyada oo ay intaas oo dhan ina haysto, oo aanu wada tashina jirin ee uu hal wasiir cashuurtii dadka masaakiint ah diyaarad iskaga raacayo, oo waxa uu ka shaqaynayo iyo waxa uu ku socdaana wax laysku waafaqay oo aan laga shaqeeyay aanu ahayn, waxeenu meel ma gaadhayo mana shaqynaayo.
Arinta ah beesha caalamku waa ay inoo soo jeedaa oo ictiraafkiina waa uu inoo soo dhawyahayna sida aan sheegay wax xaqiiqo ah oo uu ku salaysan yahay ma jirto ee waa laab la’kac iyo sida niyada laga jacel yahay, waxa niyada laga jacel yahay oo aan loo hawl galina in la sheeg sheega ceebay noqonaysaa dhanka siyaasada.
Markaas waxaan xal u arkaa in madaxweynaha la doortay Axmed Siilaanyo inuu dib ugu laabto nidaamka siyaasada arimaha dibadu ay u socoto, waayo maaha mid meel gaadhaysa, markaas sidaas waan ku talin lahaa, marka labaad waa in la furo dood qaran oo laga doodo jihadaynu u socono, marka labaad waa in laga doodo halisaha maanta ina hortaagan waayo Somaliya maanta labaatan sano ayay dawlad la’aan ahayd, bulshada caalamkana waxaynu u sheeganay in cid aynu la hadalno iyo cid aynu wax la qabsanaaba aanay jirin oo meeshii laysku cunaayo, garbaanay ahayd, lakiin maanta meeshii dawlad adag ayay caalamku doonayaan inay ka dhisaan dawladaasu haday dhisanto waxa laga yeelayo halisaha inagaga imankara iyo waxa laga yeelayo in laga wada tashado ayay u baahantahay, qaabkii Somalida loola xaalayo in laga wada hadlay u baahan tahay, qorshe in la dajiyay u baahantahay, wasaarada arimaha dibaduna khubaray ubaahantahay hogaamiya oo siyaasadeeda dajiya.
Markaas anigu waxaan leeyahay kaw waa in laysugu yimaadaa dood qaran oo ay dawladuna hogaamiso, xisbiyada iyo aqoonyahankuna ka qabgalaan oo la yidhaahdo xagaynu u soconaa, oo waxan layskala dhoofayo ee diyaarada kolba la’la raacyo dhulka la dhigo ayaan ku talinayaa, taas ayaanay ka soo baxi kartaa jihada aynu u soconaynaa, hadaan wada tashigaasu iman oo aan si wada jira halisaha jira wax laysaga waydiin meel xunbaynu ku dhacaynaa, arinteenuna fashil iyo gaabisnimo ka liidata tii lixdankii dhacday ee ahayd waa layna khiyaameeyay ayaynu ku dhacaynaa, dadkeenuna inay sidaas foosha xun u kufaan ma istaahilaan, markaas waa in dalkeena iyo qadiyadeena iska kufid laga baajiyo oo la joojiyo iska socodkan.
Waxa jira in xisbiyadii waawaynaa xiligan hoos u dhac wayn uu ku yimi, idinku haddaad tahiin xisbiga Ucid dhawaan ayaad laba garab u kala qaybsanteen, hadaba rajo intee leeg ayaad ka qabtaa inuu xisbigiinii uu ururada yar yar ka soo dhex baxo?
Waxa jira dhibaato xisbiyadii oo dhanhaysata sidaad adiguba carabaabtay, mana aha wax Udub iyo Ucid uun ku koobane Kulmiyna xaalkiisa waad ogtahay, kuwan cusubina waaba raad qaad iyagu oo xisbiyadii ka horeeyay caqabadaha ka horyimina waa ay ka horeeyaan, sababtuna waxa weeye wax waliba waxa uu leeyahay heer caruurnimo iyo heer qaangaadhnimo, xisbiyadeena, dawladnimadeena iyo nidaamkeena oo dhan ayaan gaadhin heerkaas qaangaadhnimada ah oo heer raad qaad ah maraaya, waana taas sababta ugu wacan inuu khilaaf gudahooda ah ku yimaado oo xaga maamulka iyo hagista uun ku kooban, waxaanan is leenahay ka Ucid ahaan maanta tashi cusub ayuu xisbigu isugu laabtay, Ucid cusub, aragti cusub iyo talo cusub ayaanu doonaynaa inuu xibigii mar labaad isku soo taago, waxaana dooda u furnay ururadii hadhay oo dhan iyo kuwa jiraba dooduna waa mid soconaysa imika waxaanan qorshaynaynaa in xisbigan laysugu wada yimaado,waxanan aaminsanahay qorshahaasu haduu sidaan kuwadno u shaqeeyo inuu xisbigan Ucid noqon doono xisbiga koowaad ee ugu balaadhan xisbiyada Somaliland ee ka soo baxi doona doorashooyinka soo socda.
Geeska