Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka oo Sheegay in Washington ay Diyaar u tahay Furdaaminta Xiisada Gacanka Kuuriya & Qodobo ay labada dal ku wada Xidhiidhi Karaan
Beijing 02. October 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi aanay diyaar u ahayn xal u helidda khilaafka ka taagaan hanashada nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi inkasta oo uu Muujiyry Rajo ku saabsan dariiqo ay labada dal ku wada hadli karaan.
Xoghaye Rex Tillerson Waxaa uu saxaafadda u sheegay inay jiraan wadahadallo dhex maray labada dhinac, waxana uu sidoo kale tilmaamay inay ilaa imika jiraan ugu yaraan saddex qaab oo ay labada dal ku xidhiidhi karaan oo wali furan kuwaas oo aanu wax faahfaahin ah ka Bixin.
Xogayhaya arrimaha Dibada ee Dalka Maraykanka ayaa hadalkan ka sheegay isaga oo ku sugan caasimadda dalka China ee Beijing.
Waana markii u horaysay ee tan iyo intii ay soo cusboonaatay xiisadda Kuuriyada Waqooyi uu ka hadlo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanku.
Xidhiidhka Labada dal ee Kuuriyada Waqooyi Iyo Maraykanka ayaa aad u Murgay Kadib Tijaabooyin is daba Joog ah oo Hubka Nukliyeerka ah oo ay samaysay Dawlada Kuuriyadda Waqooyi Taas oo uu Golaha amaanka ee Qaramadda Midoobay ay kaga falceliyeen Cuno qabatayno lagu soo rogay dalkaasi.