Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka oo Socdaal ku Tegay Dalka Thailand
Thailand 09. August 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha arrimaha dibada ee maraykanka Mr: Rex Tillerson, ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa laba cisho ku tagay caasimada dalka Thailand ee Baankook.
Mr: Rex Tillerson, waxa uu madaxda dalkaasi kalo hadlayaa xoojinta xidhiidhka ganacsi iyo iskaashi ee labada dal ka dhexeeya, iyadoo ah booqashadii ugu horaysay ee sarkaal sare oo ka socda maraykanku ku tago dalkaasi, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu dalkaasi ka dhacay afgambi mulatari sanadkii 2014.
Hase yeeshee, booqashada Mr: Tillerson ku yimid Thailand ayaa inta badan daaran mid uu maraykanku ku doonayo in uu gobolka bariga Aasiya ka abuuro iskaashi xoogan oo ka soo horjeeda xukuumada waqooyiga kuuriya.