Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Ucid oo Eedihii Ugu Kululaa dusha Ka Saaray Hannaanka Maamul ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland
Hargeysa:22-Nov-2013(SDN) -Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Xisbiga UCID Cabbiraxmaan Axmed Cali, ayaa dhaliilo culus u jeediyey Xukuumadda somaliland iyo Hannaankeeda maamul oo uu ku sheegay mid fishil ku dhaw.
Xoghaye Cabdiraxmaan oo maalintii shalay warbaahinta ugu warramayey xafiiska xisbigu ku leeyahay Magaalada Hargeysa, ayaa soo faqay arrimo tiro badan oo xukuumaddani ku guuldarraysatay inay wax ka qabato.
Ugu Horrayn waxa uu Cabdiraxmaan Axmed Cali shaki weyn ka muujiyey Nabaddii somaliland ku caano maashay oo u muuqata mid dawladdani dalow dheer ka tuurtay, “Dawladda ammaanka madaxdii xisbigeeda damaanad qaadi kari weyday, ma laga filayaa inay cid kale ammaankeeda wax ka qabato.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan, waxana uu intaas ku daray, “Waxa la yaab leh in dawladdani markii ay ku fashilanay doorashadii Deegaanka sheegtay Xalka saylac waxa laga doonayaa Gendiga Dirardhaba. Waxana ay dawladdani iyadoo muddadii ugu yarayd jirtey dilkii shacabka gaadhsiisay meel aanay hore u gaadhin, caddaysayna inay ciidamada amaanku fasax u haystaan inay dadka laayaan.”
Waxa uu xoghayaha arrimaha Bulshada ee Xisbiga caddaaladda iyo Daryeelka ee Ucid sheegay inay nasiib darro tahay in maanta somaliland gaadho heer Wareeggii kubadda cagta lagu qaban kari waayo hargeysa, waxana uu yidhi, “ waxa layaab leh in Hargeysa Ammaankeedii uu gaadhay heer tartankii kubadda cagta lagu qaban kari waayey”,
Dhinaca kale waxa uu Cabdiraxmaan Axmed Cali Bannaanka soo dhigay oo soo faqay ceebo huursan oo wasaaradda waxbarashadu leedahay, kuwaas oo sababay inuu lumo xidhiidhkii wasaaradda iyo Dugsiyada ay gacanta ku haysaa, waxana uu yidhi, “Qaladaadka aan la aqbali karin ee wasaaradda waxbarashada ka jira, ayaa dawladdani la kawsatay in imtixaankii qaranku fashilmo, iyadoo aanay Bilaashkii ay Dugsiyada qaar ku sheegtay aan waxba ka jirin.Dugsiga Sheekh Cali Ibraahim waxa Ardayga laga qaadaa afartan kun oo somalilnad shilling ah,, gacan-libaax, sheekh ibraahim iyo sheekh Madar waxa laga qaadaa Kontan kun oo Somaliland shilin ah qaar kalena waxa laga qaadaa lacago kale oo aan isla jaanqaadayn, intaasna waxa dheer dayac, biyo la’aan, kuraas La’aan macallimiin la’aan, iyadoo macalimiinta Dugsiyada Hoose ay qaataan derajada B, kuwa Secondary-gana waxa lagu siiyaan Derajada A, Iyadoo kuwa B-da ah gunno loogu daro.”
Xoghayaha arrimaha Bulshada ee Xisbiga Ucid Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxa uu bulshada reer Somaliland u soo bandhigay arrimo yaab leh oo wasaaradda waxbarashadu daawanayso, kuwaas oo ka dhan ah qaranimadda waddanka oo waliba ay sababteeda leeyihiin wasiirro ka tirsan xukuumaddu, waxana uu yidhi, “waxan maanta halkan ku hayaa in shahaadada Secondary-ga somaliya lagu Bixiyo Dugsiyo Gaar loo leeyahay oo magaalada Hargeysa ku yaalla, oo ay qaar ka mid ah golaha wasiirradu ka masuul yihiin, waxana ay masuuliyiintaasi shahaadaddaas ku bixiyaan qiimo aad u sarreeya oo ah $50, oo laga qaado dadka u baahan.”
Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sidoo kale iftiimiyey silica haysta ardayda reer somaliland ee dugsiga Sare kaga Baxda Gobolada Fog oo uu sheegay in wasaaradda Waxbarashadu tahli kari weyday inay Shahaadadooda ugu geyso meelaha ay joogaan, kuna khasabtay inay Hargeysa yimaadaan, “qofka maanta ku qalin jabiya magaalada ceerigaabo, isaga oo danyar ah oo aan nooliga iska Bixinayn buu Hargeysa yimaaddaa, markaa ma dawladda Gabtay inay Ardaygeedi sanaag ku noolaa shahaado gaadhsiiso ayaa leh waddaanu samaynaynaa,dawladdana waxanu leenahay waar intaas Shahaadada somalia bixinaysaan Shahaadada qaranka Gobolada Gaadhsiiya.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Axmed Cali.
Sidoo kale waxa uu Xoghayuhu carrabaabay inay Haddii yihiin axsaabta mucaaridka ka go’an tahay inay qabtaan shirweynihii ay hore ugu dhawaaqeen ee Talo qaran, isagoo ku adkaystay inay tahay xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin, kaas oo aan cidina u diidi karin, maadaama ay yihiin Hay’ado dastuuri ah.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com