|

Xogaha Isku Shaandhaynta Golaha Wasiirada Punt land iyo Waxa ka soo Kordhay

Garowe 17.June 2015 (SDN/QJ)- Isku-shaandheynta Madaxweyne Cabdiweli Gaas ku sameeyey Golaha Wasiirrada ayaa saameysey 12 wasaaradood, kuwaasoo sagaal kamid ah wasiirro cusub loo soo magacaabay saddex wasaaradoodna laysku beddeley wasiirradii horay u joogey.

xarunta PuntlandWasiirada xilalkooda waayey ayaa kala ah:

  1. Wasiirkii Cadaaladda, Ismaaciil Maxamed Warsame.
  2. Wasiirkii Waxbarashada, Cali Xaaji Warsame.
  3. Wasiirkii Caafimaadka, Saadiq Eenow.
  4. Wasiirkii Amniga, Xasan Cismaan Alloore.
  5. Wasiirkii Deegaanka, Guuleed Saalax Barre.
  6. Wasiirkii Beeraha, Cabdi Ismaaciil Boos.
  7. Wasiirkii Qorsheynta, Cali Axmed Faatax.
  8. Wasiirkii Xannaanada Xoolaha, Cabdullaahi Ducaale Cali.

Wasiirrada xilalkoodii hore weli haya:

  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
  2. Wasiiradda Haweenka, Aniso Xaaji Muumin.
  3. Wasiirka Dekedaha, Cabdullaahi Jaamac Saalax.
  4. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Cabiraxmaan Sheekh Axmed.
  5. Wasiirka Kalluumaysiga, Cabdinuur Cilmi Biindhe.
  6. Wasiirka Duulista Hawada, Xasan Xaaji Siciid.
  7. Wasiirka Hawlaha Guud, Cabdirashiid Maxamed Xirsi.


Wasiirrada wasaaradaha kale loo beddeley:

  1. Wasiirkii hore ee maaliyadda Shire Xaaji Faarax oo loo wareejiyey Wasaaradda Maaliyada.
  2. Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cabdiweli Indho-guran oo loo wareejiyey Wasaaradda Ganacsiga.
  3. Wasiirkii hore ee Ganacsiga Maxamuud Soo-cade oo loo wareejiyey Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirrada Cusub:

  1. Wasiirka Beerahaha iyo Waraabka, Cabdullaahi Cali Xirsi.
  2. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Cabdi Cismaan Maxamed.
  3. Wasiirka Dastuurka, Feysal Cabdi Cali Gaas.
  4. Wasiirka Maaliyadda, Cabdullaahi Sheekh Axmed.
  5. Wasiirka Waxbarashada, Abshir Aw-Yuusuf Ciise.
  6. Wasiirka Cadaaladda, Saalax Xabiib Xaaji Jaamac.
  7. Wasiirka Deegaanka, Cali Cabdullaahi Warsame.

Maxaa laga ogyahay wasiirrada cusub?

  • Wasiirka Amniga, Cabdi Xirsi Cali Qarjab waa guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal, wuxuuna kasoo jeedaa gobolka Nugaal.
  • Wasiirka Dastuurka Feysal Cabdi Cali Gaas muddo dheer ayuu ku noola qurbaha, waana ku cusub yahay siyaasadda, wuxuuna kasoo jeedaa gobolka Sool.
  • Wasiirka Cadaaladda, Saalax Xabiib waa ku cusub yahay saaxada siyaasadda, wuxuuna kasoo jeedaa gobolka Bari.
  • Wasiirka Xannaanada Xoolaha, waa wasiir ku-xigeenkii amniga ee dowladdii Madaxweyne Faroole, wuuna kasoo jeedaa gobolka Haylaan.
  • Wasiirka Maaliyadda, wuxuu kamid ahaa murashaxiintii ka qayb galay doorashadii madaxtinimada Puntland ee 2014, wuxuuna walaal la yahay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland, deegaan ahaanna wuxuu kasoo jeedaa gobolka Karkaar.
  • Wasiirka Deegaanka Cali Cabdullaahi Warsame, waa wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland xilligii Madaxweyne Farole, wuxuuna kasoo jeedaa gobolka Mudug.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed