|

XOG: Xubno Madaxtooyada Awood ku Leh Oo La Ogaaday In Si Gaar ah Loogu Naasnuujiyey Warshadda Laydhka Ee Berbera, Cadadka Lacagaha Halkaas La Gelinayo Iyo Meesha ay Ka Timi

Berbera:Jan,05,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan Ilo xogogaal ah oo ay heshay Shabakadda Qurbejoog.com, waxa warshadda Laydhka ee Magaalada Berbera si qarsoodi ah oo aan la fahmi Karin xukuumaddu ugu wareejisay Xubno Madaxtooyada awood badan ku leh oo dalka ka wada qaadashada Mashaariic aad u tiro badan oo malaayiin lacag ah laga faa’iidayo.

cabdiriXogaha aanu hayno, ayaa sheegaya in warshadda Leydka Berbera oo dhawaan  munaasibad la qabtay lagu shaaciyey in saamigeeda lagu wareejiyey Ganacsato gaar ah, xukuumadduna qaybteeda yeelan doono, balse aanay jirin wax ganacsato ah oo meeshaas ku jiraa oo xukuumaddu wasiirro iyo xildhibaano la naas-nuujiyo si gaar ah loogu wareejiyey.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnaha Madaxtooyadu ku wareejisay ay kala yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Hawlaha Guud, madaxtooya iyo Waliba Cali marreexaan oo ah mudane Baarlamaanka ka tirsan oo caan ku ah qaadashada Mashaariicda Xukuumaddu bixiso.

Warshaddan ayaa sababaha keenay inay xubnahan la wareegaan lagu sheegay kadib markii Hay’ado caalami ah iyo waliba Baanka Adduunku ay ku dhawaaqeen inay lacago malaayiin dollar ah ku maalgelin doonaan warshadaas, taas oo xubnahani ka dhex arkeen inay ka faa’iidi doonaan macaash aanay meellnaba usoo marin.

Ha’yadda Dai, ayaa sheegtay inay lacago badan gelisay Warshaddan, taas oo la tilmaamay inay usoo iibisay Saddex Marawaxadood oo middiiba Qiimaheeda lagu sheegay $60,000. Dollarka maraykanka ah, kuwaas oo ah qaar ku shaqeeya Tamarta Dabaysha.

Sidoo kale waxa la sheegayaa inuu Baanka Adduunku ugu talo galay inuu warshaddan oo baahi weyn loo qabay uu sanadkan ku hawlgeliyo lacag dhan $20milion oo dollar, waxana lacagahaasi keeneen in xubnahani sheegaan inay iyagu warshadda la wareegi doonaan, iyagoo ka been abuurtay inay xukuumadda iyo shacabku wadaagayaan.

Warshadan ayaa magaceeda lagu sheegay Tayo Energy, waxana Xubnahani ay haatan ku hawllan yihiin sidii ay u meelmarin lahaayeen mashaariicdaas iyo lacagahaas lagu  bixinayo hirgelinteeda, waxana la hubaa in faa’iido malaayiin dollar ah laga  heli doono.

Kooxdani si ay arrinta u hirgeliso waxay kaxaysteen Odayaal xaal-moogayaal ah oo shacabka u sheegayo farriimo  been abuur ah oo aan waxba ka jirin, waxana Xubnahani ay Odayaashaas oo tiradooda lagu sheegay laba Oday u ballan qaadeen inay siin doonaan Macaash ah  2%-Kaliya oo ay Fadhiga iskaga qaadan doonaan.

Arrintan ayaa haatan u muuqata mid shacabku si fiican u fahmi doonaan, waxana  lagu hawllan yahay sidii loo dejin lahaa isteraatijiyad lagu lafogurayo sida ay xukuumaddu arrintan ula wareegtay.

 

 SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed