|

XOG: Xassan Sheekh Iyo Jawaari Oo Khilaaf Soo Kala Dhex-galay + Baarlamaanka Oo la Kala Dirayo (Warbixin)

Muqdisho,25Aug,2015(QJ/SDN)-Khilaaf xoogan ayaa ka dhex taagan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, khilaafkaasi oo ku aadan mooshinka xildhibaanada ay gudbiyeen oo uu qabtay gudoomiye Jawaari.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa xiligan ka fakaraya waddada kale ee uu ku joojin karo mooshinka laga gudbiyay, maadaama sabtidii xildhibaanada ay qaateen go’aan dhigaya inaan la joojin fadhiyada baarlamaanka oo maalinta Khamiista lasoo xidhi lahaa.

xasan-us-jawari

Gudoomiye Jawaari oo kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay inuu kala diri doono xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya haddii ay ku adkeystaan iney dhaqan geliyaan mooshinka ka dhanka ah Xasan Sheikh.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa Dastuurka ka saaray qodob Dastuuri ahaa, oo awood Madaxweynaha u siinaayay in uu kala diri karo Xildhibaanada. Xildhibaanada ayaa qodobkaasi laalay kulan ay yeesheen 4-tii bishii November ee sanadkii 2012-ka.

Dastuurka Qabyo Qoraalka Somaliya, ayaa qeexaaya haddii aynaan jirin Maxkamad Dastuuri ah oo qaadda dacwadda Madaxweynaha, in markaasi loo laaban doono Dastuurkii Lixdankii, oo ku xusan in haddii Maxkamad Dastuuri ahi aanay dhisnayn, in kiiska Madaxweynaha ay qaadayso Maxkamadda Sare Dalka.

 Xasan-sheekh-iyo-Jawaari11

Hadaba arrinta xiisaha leh, ayaa waxay tahay iyadoo Madaxweynuhu uu ku cago jugleeyay, maadaama Xildhibaanadu ay cuskanayan ku laabashada Dastuurkii Lixdankii, in isagana uu ku laabanaayo Dastuurkaasi, oo qaba in Madaxweynuhu uu kala diri karo Xildhibaanada.

 

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in haddii jawaari uu kala diro xubnaha baarlamaanka Soomaaliya uu dalka kusoo rogo doono Xaalad deg deg ah “marshal Low” oo muddo lix bilood ah.

 

XANTA MADAXTOOYADA

 

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa iminka laga hadal hayaa arin ku aadan in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay doonayaan iney xilka ka qaadaan madaxweynaha Somaaliya lana soo doorto madaxweyne Kumeel gaadh ah kaasi oo xilka sii haya muddo labo sano ah.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud ayaa dhankiisa doonaya in labada sano ee soo socota la isla wada joogo xafiisyada, haddii taasi ay dhici weydana uu kala diro xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, wallow dastuurka qodobkaasi awooda siinaya laga saaray.

 

Hadalhaynta Villa Somalia, ayaa ah in Madaxweynuhu uu ka dhabeen karo kala diristiisa Xildhibaanada, isagoo markaasi cuskanaaya Dastuurkii Lixdankii, ka hor inta aynaan Xildhibaanadu codka gelin Mooshinka ka dhanka ah.

Xigasho: Wargeyska Xogdoon – Muqdisho

QJ/SDN: Muqdisho

 

Comments are closed