|

Xog-Warranka Askari Ka Tirsan Booliska Somaliland Oo Ka Dayriyey Heerka Uu Marayo Isticmaalka Xashiishaddu Iyo Gabdho Qaaqaawan Oo Ay Qabteen Iyaga Oo Xashiishad Cabaya!

Hargaysa 01. January 2017 (SDN/QJ):- Askari ka tirsan Booliska Somaliland ayaa mar uu la hadlayay dadweyne ku tukanayay salaaddii Jimce masaajiska Boqol Jirka ee Caasimadda Hargeysa waxa uu ka warramay heerka naxdinta leh ee uu dalka ka marayo isticmaalka Maandooriyaha gaar ahaan xashiishaddu isaga oo soo qaatay dhacdooyin layaab badan oo uur-ku-tallo ku reebay dadweynihii Masaajiskaasi ku tukanayay salaaddii Jimce kadib markii uu ka hadlay dhacdooyin uu habeenadii ugu dambeeyey goog joog u ahaa oo tilmaamaya heerka uu isticmaalka maandooriyuhu ka marayo dalka iyo sida loogu baahan yahay in dhammaan bulsho iyo dawladba la isaga kaashan lahaa.

Askarigan oo Salaaddii Jimce ee doraad markii laga baxay ka kacay khudbad kooban oo dhiillo lehna ka jeediyey Masaajidka Boqol Jirka ee Xaafadda Idaacadda waxa uu shacabkii Masaajiskaasi ku tukaday la wadaagay qisooyin layaab leh oo uu u taagnaa waxna ka qabtay habeenadii ugu dambeeyey isaga oo sheegay in isaga oo ka hawl galaya saldhigga Booliska ee Degmada Ibraahim Koodbuur uu la kulmay waxna ay ka qabteen qoys dhan oo ka kooban hooyo iyo laba ay dhashay oo xashiishadda iibiya markii ay baadhitaan ku sameeyeena ee ay soo qabteena ay ogaadeen in aabbaha qoyskaasi uu ka mid yahay dadka masaajidada safka hore ku tukada balse aan ogayn waxa ay qoyskiisu qabtaan taasi oo buu yidhi askarigani tilmaan ka bixinaysa sida ay u dayacan yihiin qoysasku ee aanay aabbayaashu waxba ugala socon waxa ay ku sugan yihiin qoysaskoodu isaga oo sidoo kalena ka sheekeeyey dhallinyaro uu ku qabtay iyaga oo xashiishad ku dhuuqaya ama nuugaya gudaha Dugsiga Hoose Dhexe ee Sheekh Cali Ibraahim (Ex. Biyo Dhacayga Sare) kuwaasi oo ay ku qabteen iyaga oo gaadhi ku dhex jira tiradooduna dhan tahay illaa 12 isuguna jira hablo iyo rag kuwaasi oo uu sheegay in ay wakhtigaasi xashiishad ku dhex cabayeen gaadhigaasi dhexdiisa balse uu rumaysan kari waayay markii ay gaadhiga ku dhax arkeen hablihii aan qaaqaawan oo sida ay ku soo dhasheen ah oo gaadhigaasi ku dhex cabaya xashiishad wiilashana la cabaya.

Askarigan oo bulshada ku boorinayay in ay ku baraarugaan dhibta maandooriyuhu iyo halka ay marayso maanta ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadeen kuwaasi ay qabteen balse loo baahan yahay in waalidku is garab taago dadaalada lagu bar-tilmaameedsanayo kooxaha daroogada ka ganacsada oo uu sheegay in ay aad ugu xooggan yihiin xaafado ay ka mid tahay xaafadda Daammi ee degmada Gacan Libaax isaga oo sheegay in dhallinyarada iyo dadka waaweyn ee ay falalkaasi u qabtaan markaaba ay waalidiin badani ka soo daba yaacaan oo ay ku andacoodaan in ubadoodu wanaagsanaayeen oo ay masaajidka ku maqnaayeen taasina aanay aqbali doonin ee ay tallaabooyin adag ka qaadi doonaan.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa qaybo dhaan xoog lihi ka soo baxaysay kooxaha culimada ah ee Wanaag Warista iyo Xumaan reebista kuwaasi oo walaac weyn ka muujiyey heerka uu maandooriyuhu ka marayo gudaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland gaar ahaan caasimadda Hargeysa iyada oo saacadaha habeenkii si weyn magaalada loogu dhex iibiyo xashiishad iyo khamri xad dhaaf ah oo dadka waaweyn maahee ay xataa ubadkii yaryaraa ku baaba’een taasi oo u baahan in gurmad wada jir ah laga galo sidii wax looga qaban lahaa iyada oo wararku sheegayaan in maandooryayaashai ay ka yimaaddaan dalka Itoobiya.

Comments are closed