|

Xog waran Ku Saabsan Hay’ad Waddani ah oo Dalka Ka Bilowday Mashruuc Ku Saabsan Sidii Caruurta Reer Miyiga ahi u Heli lahaayeen Aqoon Waxbarasho & Guulihii ay Gaadheen

Hargaysa 06. January 2017 (SDN/QJ):-  Khadar Aw Xirsi Askar waxa uu yahay Gudoomiyaha Hay’ada Samo Falka Waddaniga ah ee Al Nahda oo Fadhigeedu yaahy Caasimada dalka ee Hargaysa Isla Markaana Wax ka qabata Sidii ardayda reer Miyiga ah ee aan aqoonta helin loogu samayn lahaa Goobo wax lagu baro Xili kasta Gu’u Iyo Jiilaalba .

Gudoomiyaha Hay’ada Al Nahda ayaa Faahfaahin ka bixiyey Hawl qabadka Hay’adooda iyo Guulihii ay Gaadheen waxaanu Sidaa ku sheegay Xogwaran uu Siiyay Barnaamijka Ku dayo Muwaadinkaaga danta Guud waxa weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii Tegay ee uu soo Saaro Aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin.

Ugu Horayn Khadar Aw Xirsi Askar ayaa ugu Horayn Sharaxay Waxyaabaha ay u Taagan tahay Al-Nahda Isagoo Yidhi ‘’Kelmada Nahda Waa af Carabi Waana Horumarka,amase Hormood, Waxayna Hay’addu qabataa Horumarinta Deegaanka gaar ahaan dadka reer Guuraaga ah,Aasaaskii Hay’adani wuxuu markii hore ahaa Gudi Xiligaas oo ku astaysan 1996,Laakiin Mudo yar kadib ayaanu Ku diiwaangelinay Hay’ad Sama fal’’

Khadar Aw Xirsi Waxaa Kale oo uu Iftiimiyay Sidii uu Hindasahan ay Bilaabeen Ku Unkamay Waxaanu Yidhi ‘’Fikrada aasaaska hay’adani waxay ka timid Koox aqoon yahan ah oo Isu timid,anigu markaas qurbejoog Ayaan ahaa oo waxaan joogi jiray dalka qadar Markaas waxaanu isweydiinay Maadaama dadkeenu reer Guuraa u badan yihiin Isla markaana aanay Helin Aqoon ku filan Sida aanu qayb uga qaadan karno dhisida aqoontooda,si qofkan reer Guuraaga ah ee noloshiisu fadhiyin uu u heli lahaa fursad uu wax ku barto,Bilowgii Hawshani way Culayskeeda ayay lahayd Waayo waxaan isu Xilqaadnay inaanu Qofkan reer Miyiga ah ka reebno Ilmihiisa si wax loo baro,Waxaanu ka bilownay inaanu Kafaalo qaadno Sidii Ubadkaasi u Heli lahaayeen Macallin wax bara anaga ayaana Jeebadayada Kharashka ka bixin Jirnay,balse markii hawshani ay dhowr bilood socotay ayaa dad badani u guuxeen oo soo dhaweeyeen Waxaa Markaas ku Xigtay Sidii aanu u hirgalin lahayn una dhisi lahayn Dugsiyo Boodhin ah si aanay u dhicin in Ilmaha wax la barayaa Xili kasta Gu’u iyo Jiilaalba uu dhismahaas ugu nagaado’’

Gudoomiyaha Hay’ada Al Nahda ayaa ka hadlay Deegaamadii ay Mashruucan ka fuliyeen Waxaanu Yidhi ‘’Markii ugu Horaysay Tiro yar oo Kooban ayaanu hawshan kaga bilownay degmada Sallaxley,markii taas aanu ku Guulaysanay ayaanu uga Gudubnay Tuulo Cusub oo iminka noqotay degmo oo ah Balli Mataan waxaanu ka dhisnay hal qol oo Keliya waxaanu gaynay Macallinkii wax ka dhigayay hasa yeeshee Macallinkii ayaa Cabasho noo soo Gudbiyey oo Yidhi afar arday oo Keliya ayaa igu soo hadhaysa Xiliga Jiilaalka iyadoo Caruurta Kalena ay Waalidkood halka uu Xoolaha ula hayaamo ay u raacayeen,Markaas dadkii deegaanka ayaanu shirinay una sheegnay inaanu rabno in halkaa fasal boodhin u bedelno,dadkii reer miyiga ahaa way fikireen waxayna ku dareen Qol Dargad ah oo ay ugu talo galeen in ardaydu ay jiifsato waxaanan ku bilownay 14 arday ilaa tiradii aanu ka dhignay 45 Arday inaanu Meel isugu keeno,bulshadii way fahmeen faa’iidada arrintani leedahay ayay nagu soo jabeen markaa Meel Magaalada ka baxsan ayaanu u guurnay halkaas oo laga hirgaliyey dhismaha afar fasal oo dugsiga hoose ah,mar walba baahidu way kordhaysay in Tirada ardaydu Korodho waxaa ku xigtay inay Korodho Tirada Macallimiintu iyo Sidii loo heli lahaa Dugsigii Dhexe Ilaahay ha ka abaal mariyiyee dad muxsiniin ah ayaa ku tabarucay sidii loo dhisi lahaa qaybaha uu dugsigani ka kooban yahay 14 arday ayaa ka baxay dugsigii hoose haatan ardayda ku Jirtaa waxaa u Sareeya Fasalka 8aad ee Dugsiga dhexe,Sidoo Kale labadii Fasal ee u horeeyay ee Dugsiga Sare dhismahoodii wuu dhamaaday oo Xadhiga ayaa laga soo jarayaa Inshaa Allaah’’

Khadar Aw Xirsi waxaa kale oo uu ka hadlay Himilooyinkooda Mustaqbalka dhow iyo Ka Fogba,Iyo Caqabadihii ka hor Yimid Mudadii ay Hawshan Iskaa wax u qabsada ah ku dhex jireen.

Comments are closed