Xog Ku Saabsan Ciidamada Kenya Oo Ka Baxay Magaalada Kismayo, Sababta Keentay iyo Cidda Beddelaysa
Kismayo:01-02-2014(SDN)-Waxa Dhacday Markii ugu Horraysay inay Ciidamada Kenya ee Ku sugan Magaalo-xeebeedda Kismayo ay Iskaga Baxeen Magaalada iyadoo aanay Dawladaha Kenya iyo Somalia midkoodna arrintaas xaqiijin.
Wakaaladda Wararka ee AP ayaa qortay in inta Badan ciidanka Kenya iska Baxeen Magaaladaas, iyadoo intaas ku dartay in Dawladda Federalka Somalia Arrintaasi iyadu Go’aamisay.
Ciidamadani ayaa la geynayaa gobalka Gedo iyadoo Kismaayo ay la wareegi doonaan ciidamo Siriliyoon ka socda oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.
Afhayeenka Millateriga Kenya ayaa u sheegay AP in ciidamada Kenya unug kaliya Kismaayo lagu reebi doono inta kalana loo rari doono gobalka Gedo oo hadda qeybo kamid ah gobalkaasi ay joogaan.
Willi Wesonga oo ah Afhayeenka Millateriga Kenya ee Kismaayo ayaa xaqiijiyay in bedalkooda ay galayaan ciidamada dowladda Siriliyoon oo iyana howlgalka nabad ilaalinta qeyb ka ah.
Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyay inay ku garab siiyeen dagaalladii ka dhacay magaalada Kismaayo mid kamid ahaa hoggaamiyeyaashii dagaalkaasi ku lug lahaa oo hadda ah hoggaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe.
Dawladda Ku Meel-gaadhka ah ee Somalia ayaa in badan ku Hawllanayd sidii Ciidanka Kenay looga Saari lahaa Magaalada Kismayo, iyadoo Taliska AMISOM arrintaas u Gudbisay.
Maamulka Jubba ee Dhawaan loo Doortay Magaalada Kismayo ayaa iyagu in badan is Hortaagay in ciidanka Kenya Halkaas laga Saaro, balse Haatan Awood kale ayaa Muquunisay, waxana ay taddobaadkan dadka Magaaladaasi sameeyeen Bannaanbax lagu taageerayo Ciidanka Kenya.
S.D.N