Xog Ku aadan Sababta Baanka Ugu Weyn Bariga Afrika uga Guurayo K/Sudan
Juba 10. May 2017 (SDN/QJ):- Bankiga ugu Hantida badan Gobolka Bariga Afrika ee KCB Group ayaa qorshaynaya inuu xarumihiisa ka laalaabto dalka K/Sudan arimo dhanka ammaanka ah darteed, qiimaha lacagta dalkaasi oo hoos u dhacday iyo sicir bararka oo si xun u saameeyey dalkaasi sanadkii la soo dhaafay.
baanka KCB oo 19 xarumood ku lahaa dalkii ugu dambeeyey ee Afrika ku soo biiray ayaa xiligan doonaya inuu jaro shaqadii uu halkaa ka hayey badankeeda, maadaama uu baanku halkaa ku lumiyey adduun gaadhaya 3.4 Bilion oo Shilinka kenya ah sanadkii tegay, lacagtaas oo uu ku khasaaray arimo dhanka sicir bararkii halkaa ka dhacay ah.
‘Gudiga sare ee Baanka KCB ayaa go’aamiyey in la xidho xarumo ka mid ah kuwa ku yaallay Dalkaasi K/Sudan iyadoo caqabado ka yimaadeen dhanka xawilaadda lacagaha iyo laamaha qaarkood oo aan halkaa shaqadoodii ka sii wadi karin, iyadoo isbedel ku yimaadda xaalada dhaqaale ay keeni doono in dib u eegis lagu sameeyo shaqada laamaha kale’ sidaa waxaa wargayska Daily Bussiness u sheegay sarkaal ka tirsan baanka KCB.
Xaalada sicir bararka ee K/Sudan ayaa gaadhay qiyaas dhan 830% sanadkii la soo dhaafay, iyadoo lacagta Giniga ah ee K/Sudan ay noqotay mid aan wax qiimo ahba lahayn.