|

Xog Daaha ka qaaday Shirkada Lagu Wareejinayo Dekeda Berbera, Cida Iska Leh , Saamiga Ay Qaadanayso Iyo Shaqada Ay Qabanayso

Berbera 22.Nov 2015 (SDN/QJ):- Maalmanba waxa magaaalada Berbera ku sugnaaa wafti ka socata dalka Emaaraatka carabta waftigaas oo uu hogaaminayo mid ka mid ah amiirada dalkaasi oo u socda inuu heshiis la galo dawladda Somaliland heshiiskaas oo lagu wareejinayo dekedda berbera shirkad laga leeyay dalka Emaaraatka carabta oo magaceeda la yidhaahdo DP World.

xog
Hadaba Xog cusub ayaa daaha ka fayday shirkaddan cidda leh iyo waxa ay ka shaqayso ee ay dekedda Berbera ay ku hantiday. Shirkaddan oo loo yaqaan DP World( Dubai Ports World) waxa laga leeyahay dalka Emaaraatka Carabta(United Arab Emirates) waxaana sheerka ugu weyn iska leh(major share) xaakimka imaaradda Dubai ahna raysal wasaaraha Emaaraatka Carabta Mr Maxamed Bin Rashiid Al-maktuum( major stakeholder).

Shirkaddan waxa la aasaasay 2005 ka dib markii ay isku biireen laba shirkadood oo qaabilsanaa adeega dekedaha oo laga lahaa dalka Emaaraatka oo la kala odhan jiray Dubai Ports International iyo Dubai Ports Authority oo markii danbe noqday shirkadda hadda aynu ka hadlaynu ee Dubai Ports World(DP world) hadda shirkaddan waxa maamula (chairman) nin la yidhaadhdoSuldaan Axmed Bin Sulayman oo hore maamule uga ahaan jiray shirkad kale oo la yidhaahdo Dubai World oo uu leeyahay Xaakimka imaaradda Dubai ee Maxamed Bin Rashiid Al-maktuum.

sanadkii 2006 ayaa shirkaddan DP World oo sanad uun jirtay waxay iibsatay shirkad weyn oo carriga ingriiska laga lahaa oo la odhan jiray Peninsular and Oriental Steam Navigation Company (P&O) taas oo ayana ka shaqayn jirtay adeega dekedaha laakiin kacday ka dib markii dayn culus lagu yeeshay. Shirkaddan DP world oo doonaysa inay la wareegto wadamadii ay ka shaqayn jirtay shirkaddaas kacday, waxay ku iibsatay lacag dhan $7 billion ( todoba bilyan oo dollar).

Shirkaddan DP world ka dib markii ay iibstay shirkaddi P&O waxay damacaday inay ka hawl gasho dekedahii ay ka shaqayn jirtay oo ka ka mid ahaayeen kuwa dalka maraykanka ee New York, New Jersey, Philadelphia, Baltimore, New Orleans iyo Miami, waxaanay codsatay in loo tixgeliyo heshiishkii ay wada galeen shirkaddii kacday.

In kastoo markii hore ay taageero ka heleen xafiiska qandraasyada iyo maalgashiga, haddana waxa si kulul uga soo horjeestay madaxweynihii hore ee maraykanka George W. Bush oo ku tilmaamay shirkad aan lagu hallayn karayn dekedaha dalka shaqo ahaan iyo amni ahaan toona waxaanu codsaday in baarlamaanka loo gudbiyo arrinta shirkaddaas. Markii baarlamaankii maraykanka la soo hordhigay codsigii iyo heshiishkii ay shirkada DP world wadatay, waxa loo qaaday cod kaas oo 348 xildhibaan ay diideen codsiga shirkaddan halka 71 xildhibaana ay ogolaadeen codsiga sharkaddani ku doonaysay in ay ka sii shaqayso dekedaha maraykanka ee ay gacanta ku haysyay shirkaddii weynayd ee kacday, Sidaas ayaana lagaga joojiyay qorshii ay ku soo talo gashay.

Shirkaddan oo ka hawl gasha dalal dhawra oo u badan kuwa ku yaalla qaaradda aasiya ayaa shaqada ay qabataa waxa weeye adeega dekedaha ee ay ka midka yiihiin qalabaynta, dejinta alaabta, iyo rarista alaabta gaar ahaan kontiinarada waaweyn mararka qaarkood waxay dekedaha ku samaysaa ballaadhin iyo dib u habayn ku haboon qalabkeeda ay ku shaqayso. Maalgashiga ay shrkaddai samaysaa wa mid ku salaysan dheef wadaag. Dalalka ay maalgelisay dekadahooda waxay kula heshiishay in dakhliga dekedaasi soo saarto ay 60% qaadato inta hadhay ee ah 40% uu wadanku leeyahay. Mudada ugu yar ee heshiiskaasi ku egyahay waa 50 sano, intaa waxii ka daanbeeya waxa dekedii ku wareegaysaa dalkii lahaa.

Dhammaan shaqada dekedda ka socota waxa maamuli doona shirkadda oo wadata qalab fara badan oo casri ah sidaa darteed waxa meesha ka bixi doona shaqoooyin badan oo markii hore gacanta loola tegi jiray waxaana laga maarmi doonaa shaqaale badan. Badi shaqaalaha xafisyada waxa keensata shirkadda oo soo taba barata loomana baahdo shaqaale kale. Dalalka Afrika ee shirkadda DP world ka hawl gashay waxa ka mid ah dalka Djibouti oo dekedda weyn ee Doraleh ay maalgelisay.

Waxaase dhacday arrin fajiciso ah oo dhexmartay dalka Djibouti iyo shirkaddan DP world arrinkaas oo ka bilaabmay ka dib markii dawladda Djibouti ku eedaysay shirkadda DP world inay ku kacday musuqmaasuq kaas oo dhacy markii ay qandaraaska u tartamaysay. Nin la yidhaaddo Cabdiraxmaan Boorre oo mar ahaan jiray maareeyaha dekedda Djibouti aya loo xilsaaray heshiiska sharkadaha u tartamaya maalgashiga dekedda Dibouti. Sanadkii ina dhaafay ee 2014 ayay dawladda Djibouti ogaatay in shirkadda DP world ay bixisay laaluush dhan $150,000,000( boqol iyo konton milyan oo dollar) oo ay siisay Cabdiraxman Boorre si uu shaqada u siiyo.

Taasi waxay ka cadhaysiisay dawladda Djibouti oo kaga jawaabaty inay ka noqotay heshiishkii ay la gashay shirkadda DP world heshiishkaas oo kansalmay ka dib musuqmaasuqa ay shirakddu shaqada ku heshay awgii. Shirkadda DP world iyo dawladda Djibouti hadda waxay iskula jiraan maxkamad ka socota dalka ingirriska gaar ahaan magaalda London haddii lagu helo shirkadda dacwadan ka dhanka ah waxay mutaysan doontaa ganaax lacageed iyo heshiiskii ay la gashay dawladda oo bura lana kansalo.

Haatan shirkadani waxa ay u soo digatay dekedda Berbera oo daris la ah ta Djibouti ee ay maxkamadda iskula jiraan, waxaaa muuqata in wadadii ay Djibouti la martay ay damacsantahay inay Somalilandna la marto taaso oo ah inay heshiish noocii ah la gasho cidda imika wadata. Shirkaddan oo dabeecadeedu tahay inay laaluush ku afrogto cidda ay heshiishka la wado ayaa khatar weyn ku ah dekedda Berbera. Cidda heshiishka u saxeexdaa marka ay qaadato lacagta baqshiiska iyo dillaalka isugu jirta ee boqolaalka milyan ee dollar gaadhaysa waxa ay si toos ah u mulkiyaysaa dekedda oo ay maamulkeeda iyo manfaceedaba la wareegaysaa. Muddada heshiishka oo ah 50 sano oo saamigeeduna yahay 70% dakhliga dekedda uu ku dheco khasnadda shirkaddaas.

Comments are closed