Xog Culus: Shuraakada Qorshayaasha, Madaxtooyadda Jabuuti, Madaxtooyadda Somaliland, Wejiyada Tartanka Ucid
Jabuuti 15.Nov 2015 (SDN/QJ):- Iyadoo weli uu sii qoyan yahay khilaafkii garabyadda kulmiye, isbahaysiga la baxay dimoqraadiyiinta Kulmiyena ay sii waddaan xaarraantinimaynta maxsuulkii ka soo baxay shirkii Maansoor, balse ay xaqiiqdu tahay in halkaa lagu kala calaf qaaday, mid sii joogga iyo mid ka tagaba, ayaa haddana waxa durba isa soo taraya hadal hayn dulucdeedu tahay,in dhamaadka shirkii Kulmiye uu noqonayo bilowga khilaafka xisbiga Ucid, isla markaana waxa warar hordhac oo amuurtaa la xidhiidha faafiyay warbaahinta qaarkood. Waatan warbixin uu wargeyska Ogaal amuurtaa ku eegayo oo uu ka diyaariyay mawduucaasi.
Wararka La Faafiyay
Inkastoo ay Ilma Cali Xuseen(Faysal iyo Jamaal) oo kala ah Gudoomiyaha xisbiga iyo Murashaxa Madaxweynaha Ucid ay hore u sheegeen inay ka heshiiyeen khilaaf sababay inay toos warbaahinta ugu wada hadlaan oo isugu mariyaan farriimaha, misana waxa weli taagan hadal hayn ku wajahan inay isa seegan yihiin murashixiinta iyo Gudoomiyuhu. “Murashixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenka xisbiga Ucid Jamaal Cali xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa la sheegay inay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Gudoomiyaha xisbigaa Faysal Cali Waraabe.” Warar dulucdoodu farriintaa xambaarsanaayeen ayaa saxaafadda kala duwan qaarkood faafiyeen. Shabakadaha internetka iyo saxaafadda kale ee baahisay warkaasi may sheegin cid toos uga hadashay jiritaanka wararkaa, isla markaana waxay tibaaxeen murashixiinta oo ay la xidhiidheen inay ka gaabsadeen. ““Warkaas qaar yar-yar baa iska qoray.” Sidaa waxa ku gaabsaday murashixiinta siduu faafiyay wargeyska Himilo mar uu murashixiintaa la hadlay Tifaftiraha wargeyskaa Cabdifataax Mursal. Hase ahaatee dhamaan warbaahinta wax ka qortay arrintani waxay tebiyeen inay illo xog ogaal ahi u sheegeen in wax ka jiraan arrintaa, isla markaana uu jiro khilaaf dhimbiishiisu hoosta ka nooshahay, taasna loo fili karo ta horseeday inay talaabaddaa qaadaan.
Wararkaa mawduucan ee saxaafaddu baahisay waxay intaa ku dareen, in Faysal Cali Waraabe xidhiidh iyo wadahadal la sameeyay garabka isbahaysiga Kulmiye, gaar ahaan wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, isla markaana ay gaadheen is afgarad, ku arrooraya in garabka isbahaysiga dimoqraadiga Kulmiye ay ku biiraan Ucid, iskana soo xulaan murashaxa Madaxweynaha xisbiga Ucid uga qayb geli doonna doorashada 2017. Sidoo kale wararkaa la faafiyay waxay intaa ku ladheen in sidoo kale uu jirro wadahadal dhex maray Gudoomiyaha iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo muddooyinkan dambe hadal hayntiisu jirtay. Wararkaasi waxa kale oo ay carabaabeen in murashixiinta Jamaal iyo Cabdirashiid ay dacwaddooda ku saleeyeen cabasho la xidhiidha arrimahaa iyo xeer jebin, isla markaana ay dacwaddaa gudbiyeen Khamiistii tagtay, Maxakamaduna muddaysay. Hase yeeshee Shabakadaha wararkaa faafiyay oo ay ka mid yihiin, Himilo, Somaliland Informer, Mandheera.com iyo qaar kale may sheegin xilliga la muddeeyay.
Qoddobada Kale
Inkastoo farriimahaa hore tebinayeen in siyaasiyiinta garabka isbahaysiga Kulmiye heshiis la gaadheen Faysal Cali Waraabe, haddana xoggo uu wargeyska Ogaal ka helay dhinacyo kale waxay tibaaxeen in aanuu jirin heshiis ay labaddaa dhinac isla gaadheen, isla markaana heegga dhaca iyo sal dhigashadda siyaasiyiinta isbahaysigu aanuu weli ahayn mid meel loo tirin karo. Taa bedelkeedda waxa jirra xoggo kale oo laga helayo illo kala duwan oo ku sugan Jabuuti iyo Hargeysa, isla markaana dadku isla dhexmarayay maalmahanba, kuwaasoo tebinaya in madaxtooyadda Jabuuti iyo ta Somaliland ay ka wada socdeen maxsuulkii ka soo baxay shirkii Kulmiye ee Muuse iyo Saylici loogu caleemo saaray murashixiinta Madaxaweynaha iyo Madaxweyne xigeenka.
Xoggahaasi waxay intaa ku dareen, in isla jaanqaadka labadda dhinac uu abuuray faham sugnaantiisu boorrinaysay in la taageero Gudoomiyaha Xisbiga, isla markaana rag labadda dhinacba galaangal u lihi ay door wayn ka ciyaareen. Farriimo kale oo humaagyaddooda dadka siyaasadda falanqeeyaa isu tebinayeen maalmahanba ayaa iyana tusmaynaya qorshe kale oo tilmaamaya in la baajiyo, murashax kale oo ay isku beel yihiin Muuse Biixi inuu tartanka doorashada ka qaybgalo, si loo yareeyo qaybsanka, taa bedelkeeddana loo hawlgalo sidii murashaxa xisbiga Ucid u noqon lahaa nin ay isku beel yihiin Cabdiraxmaan Cirro.
Dhanka kale Gud. Faysal Cali Waraabe ayaa dhawaan lagu qaabilay xarunta madaxtooyadda Jabuuti, isla markaana gudoomiyaha laftiisa ayaa sheegay inuu la kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, kana wada hadleen arrimo la xidhiidha danaha gobolka. Hore ayaa Gud. Faysal hadal ahaan u muujiyay inuu qawadsan yahay murashixiinta xisbigiisa, taasina waxay keliftay inuu Jamaal Cali Xuseen jawaab adag ka bixiyo, aakhirkiina waxay labada ninba gaar gaar ugu dhawaaqeen inay ka heshiiyeen khilaafkii. Laakiin jugtaa hore kadib dhawaan mar uu Faysal joogay Nairobi mar warbaahintu wax ka waydiisay hankiisa, wuxuu sheegay, in xisbigiisu murashixiin leeyahay, balse wuxuu ku ladhay in siyaaasaddu isbedbedesho,wuxuu ugu jirraana ay tahay xaqiijinta hankiisa, taasna waxay dadka dhacdooyinka siyaasadda tafniidda ama axadhaa u fasirteen in aanuu weli dhamaan gelgelimaysiga qodobkaasi, tuhunkuna u badan yahay in Faysal laftiisu doonayo inuu mar kale u tartamo hogaanka dalka doorashada soo socota, uuna noqdo murashaxa madaxweynaha Ucid, loona tirinayo inay sidaa ku saacidayaan madaxtooyadda Jabuuti iyo ta Somalilandba.
Tuhunka xoggahan ayaa sidoo kale tusmaynaya, in Faysal iyo murashixiinta xisbigu marka horebba ku kala duwanaayeen arrimaha qaarkood, isla markaana Faysal uu il kulul ku eegayo saaxiibkiisii hore ee Cirro, cadha hibashada aargoosiga siyaasadduna farayo qaadista talaabo kasta oo uu ku seejin karro guusha, halka murashixiintuna isha ku hayaan ka hadalka dhaliilaha taladda Kulmiye.
Gunaanad
Tibaaxahaa iyo xoggahaa kala duwan ka sokow ma jiraan warar madax banaan oo weli dhinacyadaa laga hayaa, hase ahaatee haddii xaqiiqadda farriimahani noqdaan qaar jira oo runnimaddoodu u sugantay siddaa, waxa cad in khilaafku noqon doono mid sharciyan gala maxkamadda, haddii kale oo xaqiiqdu aanay siddaa ahayna waxa la filan karraa inay ka heshiin karraan waxa dhexdoodda yaala. Laakiin haatan waxaynu ku dhaafaynaa dhawrista dharaaraha soo fool leh iyo sugidda waxay soo wadaan. Dhanka kale madaxtooyadda Jabuuti iyo doorashada Somaliland ayaa iyana u muuqata iswaydiin kale oo falanqaynta jawaabteedu u baahantay in hoos loogu sii daaadego, si loo ogaado xaqiiqadda.
Xigasho Wargayska Ogaal