|

Xog: Abaabulaha Weerarkii Villa Somalia Oo Noqday Wiil Xasan Sheekh Abti U ahaa Oo Madaxtooyada Ka Shaqaynayey

Muqdisho:26-Feb-2014(SDN)-Waxa isa Soo Taraya Macluumaadka Kala Duwan ee laga Helayo Weerarkii Maalintii Jimcihii ina Dhaafay Lagu Qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo Dad Badan Dhako Faar ku Riday.

abitiInkastoo Dawladdu Diidan tahay inay Weerarkaas Faahfaahin ka Bixiso, Haddana Xogo Dheeraad ah oo ay Heshay Qurbejoog.com ayaa sheegaya in Abaabulka ay Laheen Dad Badan oo Ka mid  ah qaar Aqalka Madaxweynaha ku soo Koray.

Wararka aanu Hayno  oo ah kuwo lagu kalsoon yahay ayaa Sheegaya in Weerarkaas Qorshihiisa Koowaad uu Lahaa Wiil ay Dhashay Gabadh ay Walaalo Yihiin Madaxweyne Xasan sheikh oo La Yidhaahdo Nuura Sheekh Maxamuud oo Ka Mid ahaaa Ilaalada Madaxtooyada Gaar ahaan Goobaha Dambe Ee Xaasaasiga ah ee ay Ciidanka Albaabka Hore joogaa uga Amar qaataan cidda ay soo Daynayaan.

Magaca Wiilkan  uu Madaxweynuhu Abtiga u ahaa ayaa Lagu Sheegay Maxamed Salaad, waa 24 Jir, wuxuuna u dhashay Qabiilka Baadicade (Hawiye),  Sida ay sheegayaan Xogaha aanu  illaa iyo Hadda Haynaa.

Wiilkan ayaa la sheegay inay madaxtooyada ugu dambaysay Maalintii Salaasadii ee Toddobaadkii hore oo ku Beegan laba Maalmood ka hor intii aanu Weerarku dhicin.

Wali lama Hayo meel uu Wiilkaasi Jaan iyo Cidhib dhigay, lagamana war hayo inuu Geeriyooday iyo inuu gacanta ugu jiro Kooxaha Alshabaabka ee iyagu weerarkan iska lahaa.

Sidoo kale waxa wararka aanu Haynaa Sheegayaan in dhammaanba wiilashii weerarkaas qaaday ay ku JIreen Beelaha soomaalida oo dhami oo aanay jirin cid ku dhimatay.

Abaabulka weerarkan ayaa la sheegayaa inay Fuddudeeyeen laba Nin oo kale oo Madaxtooyada ka Tirsani, kuwaas oo haatan la sheegayo inay Xidhan yihiin.

Sidoo kale, waxaa  Barnaamijkii Madaxtooyada Lagu Weeraray Abaabulkiisi Maskaxeed iska kaashaday Qaar kamid ah Xildhibaannadda lagu Magacaabay “Qaswadayaasha” iyo Al-Shabaab oo uu xidhiidh aan Qarsoodi aheyn ka dhaxeeyo.

 

Kooxdaan “Qaswadayaasha” ayaa  si weyn ugu Heellan inay Madaxweynaha ka Takhalusaan, iyagoo markan doonayey inay Dilaan, haddii kalena ay Soo Oogaan Dacwado meesha lagaga qaadayo oo la xidhiidha Xilgudasho la’aan.

Weerarkan oo xataa Guddi loo saaray, ayaa la Filayaa in dhawaan Shacabka loo Sheego tibaaxo kooban oo muujinaya sidii uu u dhacay weerarku, iyadoo ay jiraan xaqiiqooyin badan oo la qarinayaa.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed