‘’Xisbiyadu Ha Ka Dheeraadan Tartan Qabyaalad Ku Salaysan, Oo Umadda Kala Fogeysa, Oo Tartan Ka Madhan Qabyaalad Oo Salka Ku Haya Siyaasada Barnaamijkooda Umadda’’ Xildhibaan Kijaandhe
Hargaysa 06. July 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa ka hadlay Doorashooyinka dhawrka jeer dib u dhacay, iyo saamaynta ay ku yeesheen xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka, waxaanu tilmaamay in dib u dhaca Doorashooyinka ay keeneen inay Beesha Caalamku ka sii fogaadan Somaliland, balse wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey Doorashada Madaxtooyada oo la filayo inay dhacdo daba-yaaqada sannadkan.
Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Axmed Cabdi Kijaandhe, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xisbiyada Qaranka ugu baaqay inay aad uga feejignadaan Qabyaalada, waxaanu ku booriyey inay la yimadaan tartan iyo siyaasad ka madhan Qabyaalad kala fogeysa dadka, waxaanu ugu horeyn yidhi “Beesha Caalamka barigii hore wey inagu kacsanaayeen, oo xitaa way diideen inay dalka yimadaan, iyagoo diidanaa Doorashooyinka dib inooga dhacay, laakiin waa horumar weyn in Safiirka Mareykanku uu dalkeena yimaado, Doorashadiina xilliga ay dhacayso waa la muddeeyey, markaas Doorasho dib inooga dhacaysaa ma jirto ee xilligaas loo muddeeyey ayay inoogu dhici doontaa, mar haddii ay Doorashadu inoo dhacdana, xidhiidhkeena Caalamku sida uu imika yahay wuu ka sii fiicnaanayaa, oo fikirka ay ka aamisan yihiin Doorashada oo inoo qabsoonta meesha wuu ka baxayaa”.
Xildhibaan Kijaandhe ayaa mar uu baaq u diraayey Xisbiyada ayaa yidhi “Doorasho ayaa inagu soo fool leh, tartan baa la galay, Xisbiyaduna way tartamayaan, oo tartan iyo loolan bay galayaan, balse Xisbiyadu ha ka dheeraadan tartan qabyaalad ku salaysan, oo umadda kala fogeysa, oo tartan ka madhan qabyaalad oo salka ku haya siyaasada barnaamijkooda umadda ha u soo bandhigaan, aadna ha uga dheeraadan wax walba oo umadda kala fogeynaya”.
Xildhibaan kijnaadhe ayaa dhinaca kale ka hadlay kaadh qaadashada cod bixinta Doorashada oo la filayo haddii ALLE idmo inay dhawaan ka bilaamato Gobolada Togdheer iyo Maroodijeex, waxaanu Dadka ku dhaqan labadan Gobol ee iyagu is diiwaangeliyey ku booriyey inay qaatan kaadhka codeynta ee ay xaqa u leeyihiin inay ku codeeyaan.