|

‘’Xisbiyada Qaranka oo inaga noqda xisbiyo beleedyo waa khater soo fool leh!’’ Siyaasi Cabdi kariin Axmed Mooge

Hargaysa 17. October 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cabdi kariin Axmed Mooge Wasiir ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka dayriyey in Xisbiyada qaran ee Somaliland u dhisanay u Xuubsiibteen inay dalka ku Celiyaan Habkii beelaha taasina ay Khatar ku tahay Geedi socodka Dimuquraadiyadda Somaliland.

Qoraal kooban oo Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge ku faafiyey Degelka uu ku leeyahay Barta Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook ayaa u dhignayd sidan:-

‘’Waxaynu leenahay dastuur ummaddu u codaysay iyo xeerer ka farcama oo dhamaantoot reebaya in xisbi ku suntanaado qabiil, hadana xisbiyadi waxaad mooda in ay noqdeen xisbiyo qabiil/beleedyo! Odayaasha dhaqanka ee hor boodaaya xisbiyadu waxay cadayn u yihiin isku milanka qabiilkii iyo xisbiyada qaranka, arintaasina waxay ka soo horjeeda Xeer Lr 14 iyo Dastuurka Somaliland.

Nidaamka aynu qaadanay waa nidaamka xisbiyada badan oo laga guurayo nidaamkii beelaha, Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasadu qodobka 2aad, farqadiisa 3aad, wuxuu leeyahay Xisbiyada/Ururadu Waa In Aanay Ku Salaysnayn Qabiil, Lab Ama dheddig Keliya, Ama nooc kale Oo kasta oo Bulshada kala faquuqaaya.

Madax-dhaqameedku haka baxaan arimaha siyaasada iyo doorashada, raga musharixiinta ahina ummada kalsooni hala horyimadaan oo hankooda iyo barnaamijyadooda haka iibiyaan ummadda intay kolba oday yar magaalo u dirayaan. Waa in asxaabta qaranku ilaashaan xeerka iyo dastuurka

Gudiddii Diwaangelinta Ururada siyaasada iyo xusbiyada Qaranku miyay seexdeen! Maxay waxan socda wax uga odhan la’yihiin? mise waa gudi la soo toosiyo uun marka cid lagu gawracaayo!

Comments are closed