Xisbigii Ikhwaanka Masar oo mar kale la mabnuucay,maxey ka dhigan tahay?
Qahira Sept 24,2013(SDN)-Maxkamada arrimaha deg dega ee dalka Masar ayaa goaan ka gaadhay in xisbiga Ikhwaanka ee talada laga fara maroorsaday uu sii jiri karo iyo in kale.
Maxkamada ayaa dhegeysatay dacwad ay soo gudbiyeen Xisbiga dhanka bidix ee midnimada oo Ikhwaanka ku eedeeyay in ay siyaasadeeyeen Diinta Islamka.
Maxkamada ayaa sheegtay in Ikhwaanka iyo ururada xiriirka la leh ama lacagta ka hela sideey u dhan yihiin hawlihii laga joojiyay.
Ma cada in goaankan maxkamadeed uu saameyn doono hay’adaha gargaarka fidiya ee ururkan ku abtirsada ama dugsiyada waxbarasho ee Ikhwaanku gacanta ku hayaan.
Ibrahim Mounir oo hogaanka sare ee Ikhwaanka ayaa goaankan ku tilmaamay mid amar ku taagleyn ah.
“Ikhwaanku waa uu jiri doona ilaahay idinkii,ee maha goaan uu gaaray Al Sisi”ayuu ka yiri TVga Al Jazeera.
Maxkamadu waa ay ka gaabsatay in ay ka hadasho shuruucda ay u cuskatay goaankan ay gaadhay ee ay ku mamnuucday Ikhwaanka.
Xisbiga Ikhwaanka ayaa 54 jirsaday mana aha markii u horeeysay ee la isku dayo in hawada laga saaro.
Sanadii 1954tii ayaa waxa sidan oo kale hawlgab uga dhigay taliskii ciidamada ee Masar,balse Ikhwaanka ayaa si dhuumaaleysi ah u abaabulnaa ilaa dhawaan oo ay doorasho xilka kula wareegeen.
Madaxdii iyo taageereyaashii Xisbiga oo uu u horeeyo madaxweyne Moxamed Morsi ayaa xabsiga ku jira ilaa iyo haatan.
Boqolaal ka mid ah taageereyaasha maxamed Morsi ayaa ay ciidamada dalkaasi dhawaan laayeen ka dib kolkii ay kacdoon diidma ah kala hortegeen in ciidamadu talada ka tuuraan madaxweynihii u horeeyay ee doorasho xilkaa ku qabta ebid.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com