‘’Xisbiga WADDANI waxa uu ku soo kordhinayaa siyaasadda Somaliland oo uu iminka sii caddeeyey inaannu aqbali doonin natiijada doorashada haddii laga helo’’ Maxamed Kaahin DAAWO
Hargaysa 21. November 2016 (SDN/QJ):- Guddomiye-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay inaanu aqbali doonin natiijada doorashada madaxtooyada, haddii laga guulaysto.
Maxamed Kaahin wuxuu xisbiga Waddani ku eedeeyay inay baahinayaan hadalo dacaayad ku ah doorashada, “Waxa jira xisbiyo iyo siyaasiyiin odhanaya doorashada natiijadeeda lama aqbali doono oo waynu isku dilaynaa, KULMIYE 84-cod baa lagaga helay oo uu aqbalay, waa xisbiga keliya Afrika jooga ee aqbalay in doorashadii madaxweynaha 84-cod lagaga helay, adduunyadana meel ay ka dhacdaa ma jirto, Guddoomiyaha xisbiga UCID wuu aqbalay natiijadii in doorashadii laga helay, xisbigii UDUB madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin si sharaf leh buu u aqbalay in doorashadii 2010-kii laga helay.”