|

Xisbiga Waddani oo Xukuumada ku dhaliilay in Heshiisyada Khayraadka Dabiiciga ah aanay Marin Golaha Wakiilada

Hargaysa 20.Sep 2014 (SDN/QJ)-Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta,ayaa ka hadlay khayraadka dalka iyo heshiisyo ay sheegeen in ay sharci darro yihiin oo ay Xukuumaddu gashay waxaanay Xukuumadda ku dhaliileen in ay ka baxday balan qaadyadii ay hore ugu gashay ololaha ee ahaa in ay ilaalinayso dhamaan khayraadka dalka isla markaana ay baal martay in ay heshiisyada ay galaso ka xalaalayso golayaasha sharci dejinta.

Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee xisbiga Waddani wuxuu halkan golayaasha qaranka iyo dhamaan muwaadiniinta Somaliland ee dalka dibadiisa iyo gudihiisa ku nool u soo jeedinayaa inuu waajibaad dastuuri ah ka saaran yahay daryeeelka iyo ilaalinta Khayraadka dabiiciga ah ee dhulkeena.

Waxaa in mudaa Xukuumada dalka ka talisaa iyo Golaha wakiiladu ku marransanaayeen heshiisyadii wasiirka khayraadka dabiiciga ah iyo tamartu la galay shirkadaha shidaalka danaynayay iyo kuwa khayraadka kale daneeya.  In dastoorka qaranku ama shuruucda kale ee dalka u yaalaa xaq siinayaan in goluhu codsan karo in la horkeeno oo faahfaahin laga siiyo iyo sida wasiirku ku dooday in aanay shuruucda dalka meelna kaga qornayan u soo bandhigista heshiisyadaa uu lagalay shirkadahaa shisheeye Golaha wakiilada.

Ugu horayn Guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee Xisbiga Waddani wuxuu xasuusinayaa bulshada Somaliland in markii xukuumada dalka ka talisaa ay mucaaradka ahayd ku doodi jirtay oo waliba ololihii doorashada ku gashay iyadoo maqal iyo muuqaal ahna lahayaa sida ay u xaarantimaynayeen ee ay waxbakamajiraan ku sheegayayeen heshiisyadii dawladii hore ee Mudane Daahir Riyaale Kaahin hogaaminayey la gashay shirkadihii shisheeye  ee shidaalka. Mar hadii aan Golaha wakiilada la soo marin oo aan la ansixin heshiisyadaa.

Tusaale hadii aynu soo qaadano arrimaha heshiisyada shidaalka oo hada muran wayn ka taagan yahay dalka Tanzania oo heshiiska noociisu yahay PSA (production sharing agreement) la galay laba shirkadood oo kuwa caalamka ugu waawayn ka mid ah, waxaa la isla mari laayahay oo mucaaraka dalka iyo haayadaha qarankaasi aad ugu muransan yihiin heshiisyadaa sida qarsoodigaa u saxeexday dawladu. Heshiisyadaa oo markii nuqulo ka mid ahi dibada u soo baxeen aad iyo aad bulshada dalkaasi uga murugoodeen lacagaha tirada badan ee dalku ku waayayo mustaqbalka.

Suaashu waxaa weeye Somaliland oo ah dal curdin ah oo aan aqoonsi caalamka ka haysan fursadaha muhiimka ah ee dalku aqoon kaga korodhsan karo dalalka qaarada Africa dhibaatoonyinkaa maaraynta khayraadka ka soo gaadhay uga faaiidaysan la’dahay? Ma aqoon daro iyo tayada masuuliyiinta xukuumadu u igmatay ayaa loo sababayn karaa mise xukuumada dalka ka talisa ayaan dan ka lahayn oo aan dalkan loo soo halgamay ee naf iyo maal loo soo huray u tudhayn.

Bulshada Somaliland waaxaan u soo jeedinaynaa  inay fiiro gaar ah u yeeshaan dakhliga wasaarada khayraadka dabiiciga ah iyo tamartu ay soo bandhigtay in ay ku soo xaroodeen heshiisyo aan daahfurnayn oo dibadaha lagu soo saxeexay lana horkeenin shuruucda dalka u yaala. Dakhligaa oo madmadow badan ku jiro oo dhici karta in hanti farabadan dalka iyo bulshada Somaliland ka maqan tahay.

Saxaafada madaxa banaan ee amaanta wasaarada khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta soo gudbiya waa in ay ku saleeyaan warbixinada ay bulsha u soo gudbinayaan xaqaaiqa jira sida guuldarooyinkii ka soo gaadhay ka midho dhalistii maaraynta khayraadka dalka. Iyadoo la wada og yahay shirkadihii heshiisyada la’galay in ay ku guuldaraysteen joojiyeena dhamaan hawlgaladii ay ka wadeen dalka maamul xumo awgeed.

Arrinkan shuruucda lagu jaangoynayo khayraadka dabiiciga ah hadii aan aad iyo aad looga taxadarin oo aan lala tashan dadka ku takhasusay arrimaha heshiisyada caalamka u yaala waxaa dhici karta in dhabarjab qarankeena ku keeni karto oo halkaa ku waayi karo lacago aan la malayn karin.

Hadaba guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee xisbiga Waddani wuxuu halkan ku xasuusinayaa muwaadiniinta  Somaliland iyo golayaasha qaranka in Dastuurka Jamhuuriyad Somaliland uu si cadaan ah u qeexayo Awoodaa uu u leeyahay Golaha wakiiladu ansixinta dhamaan heshiisyada ay xukuumada dalku lagasho sida shirkadaha shidaalka / khayraadka Somaliland daneeya.

Xukuumada dalka ka talisaa waxay ka hor marisay heshiisyo aan daahfurnayn shuruucdii dalka u taalay iyadoo ka faaidaysanaysa shuruucda aan dhamaystirnayn ee dastuurka qaranka Somaliland. Taas oo wiiqday sumcadii qaranka Somaliland.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed