|

WAR DEG DEG AH: Xisbiga Waddani oo Xilkii & Xubinimadiiba ka Qaaday Labadii Gudoomiye Ku Xigeen ee ka soo Hor Jeestay Go’aamadii Shirkii Golaha Dhexe & Axmed Muumin Seed oo Daadifeeyay DAAWO

jirde2Hargaysa 14. November 2016 (SDN/QJ):- Gudida Fulinta ee Xisbiga Waddani ayaa Fadhi ay Yeesheen Waxay ku Meel mariyeen anshax marin ka dhan ah Labada Gudoomiye ee 1aad Axmed Muumin Seed iyo 2aad Faarax Maxamed Cabdule (Faarax Dheere) ee Xisbiga Waddani oo ka soo hor Jeestay Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani.

Dhanka Kale Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani ee la Anshax Mariyey Mudane Axmed Muumin Seed ayaa Daadifeeyay Sharci nimada Go’aankaasi ay gaadheen Maanta Gudida Fulinta ee Xisbiga Waddani Waxaanu Xusay inaanay awood Sharci oo Xilka lagaga qaadi karo,Waxaa kale oo uu Go’aankan ku sifeeyay Mid baal marsan Sharciga Xisbiga Maadaama lagu doortay Shirweyne Isla markaana Xilka lagaga qaadi karo Shirweyne.

Comments are closed