“Waxa aanu ugu digaynaa in Tv-ga qaranka iyo Radio Hargeysa ay noqdaan godad abeeso oo mucaaridka lagu qanqaniino.” Md. Cabdiraxmaan Cirro {DHAGAYSO}
Hargaysa 03.Nov 2013 (SDN)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Maanta Munaasibad balaadhan oo soo dhawayn ah u sameeyay Xildhibaano door ah oo ku soo biiray.
Gudoomiyaha Xisbiga Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C,raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa ku tilmaamay Xildhibaanadan Cusub ee ku soo biiray Xisbiga Waddani kuwo dhiig Cusub gelinaya Xisbiga Waddani isla markaana ay qayb wax ku ool ah ka ciyaari doonaan hawl galada uu Xisbigani ku damacsan yahay inuu talada qaranka ku hogaamiyo.
Guji halkan Si aad Mobilkaaga uga Dhagaysto hadalka Gudoomiye Cirro
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/GudoomiyeCirro03n.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com