|

Xisbiga Waddani oo Toban Kun oo Dhallinyaro ah Ka Hawlgalinaya Ololaha Doorashada ee ay galayaan DAAWO

Hargaysa 17. September 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shaaciyey in Xisbiga WADDANI uu diyaar garoobay olalahii Doorashada Madaxtooyada Somaliland, isla mar ahaantaana ay qaabeeyeen sida oo kale na ay qorsheeyeen qaabka ay u galayaan Ololaha Doorashada isaga oo sida oo kale na badka soo dhigay in ay diyaariyeen dadkii ka shaqeyn lahaa ololahaasi.

‘’Xisbiga Waddani wuxuu isu diyaarinayaa hanashada guusha doorashada 13-Nov-2017 oo ay maanta inaga xigto 60 maalmood u dhiganta 1440 saacadood oo u dhiganta 86400 Miridh,

Magaca Ololaha Xisbigu waa Waddani 2017, Halkudhigeenu waa Rajada Shacabka. Waxaano inoo calaamada Qaranimo Somaliland lagu tusmeeyay giraanta wareegsan ee gacmaha is-haysta ee halka idiinka muuqata.

Maamulka Ololaha waxaa ka hawl-gelidoona 10,000. oo Qof wuxuu u qaybsami doonaa afar soone ama aag oo ay saldhig u tahay 14 gobol ee dalka iyo 23 degmo doorasho ee sharcigu jideeyay’’Sidaa Waxaa Yidhi Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Xirsi Cali X.Xasan.

Comments are closed