|

Xisbiga WADDANI oo soo ka Hadlay Sababta Shirkada Sahaminta ee Genel Energy uga baxeen Somaliland,Hakinta Duulimaadyada Itoobia {DHAGAYSO}

Hargeysa 10.Sep 2013  (SDN)- Shirjaraa’id oo saaka ay masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ku qabteen xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay Xukuumadda ku dhaliileen inaanay shacbiga usoo bandhigin sababta ay shirkadii genel energy uga baxday dalka oo mudooyinkii danbe sahamin shidaal ka waday gobalada bariga Somaliland.

Saraakiisha WadaniGudoomiyaha gudida arrimaha dibada Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo arrimahaasi ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Argagaxbey runtii umadda ku noqotey iyada oo aan wax wara lahaynin lana ogayn wax dhibaata ah oo jirey in mar qudha layidhaahdo shirkadii genel energy ee gobalada bari shidaalka ka baadhaysay, dadka gobaladaas joogayna ay wacyi galin balaadhan udiyaariyeen in hadana mar qudha uun la maqlo shirkadaasi way ka baxday oo alaabteedii waa ay guratey ,xukuumaduna ilaa hada arrintaa wax ay kaga jawaabtey lama hayo,waana inay shacbiga usoo bandhigtaa sababta keentey bixitaanka shirkaddan shidaalka baadhaysay”

waxa sidoo kale uu ka tacsiyadeeyey dadkii muwaadiniinta ahaa ee kharashaadku ka galeen iyo shaqaalihii muwaadiniinta ahaa ee ka hawlgalayeyba isagoo xukuumadda usoo jeediyey inay xaqooda u raadiso dadkaas muwaadiniinta ah waxanu yidhi “waxaanu ka xunahay kana tacsiyadeynaynaa dadkii muwaadiniinta ahaa ee kharashaad iyo saamigu ka galeen iyo shaqaalihii muwaadiniinta ahaa ee ka shaqaynayey, xukuumaddana waxaanu usoo jeedinaynaa inay xaqooda u raadiso dadkaas muwaadiniinta ah”.

Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso Hadalkii Madaxda Xisbiga Waddani
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DhaleecayntiiWadani10.mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed