Xisbiga Waddani oo Sheegay in Beesha Bariga Burco Ku Hungowday Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye oo Sheegay inaan Beeshaas Guurguurku dhaqan u ahayn
Burco 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegay in Beesha Bariga Burco oo ka mid ahayd beelihii sida weyn taageerada ugu muujiyey Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee wakhtigii doorashadii 2010-ka sida weyn u dhisay aanay helin abaalkii ay xukuumaddaasi KULMIYE ku lahaayeen deegaamada ay beeshu degtana si weyn saluug uga muuqdo balse ay qaateen gobonimo weyn oo aanay mudadii ay xukuumaddani xilka haysay mar qudha ka hadal wakhtiganse la gaadhay markii ay beeshu dib u qiimayn lahayd xaaladdeeda.
Waxase Arrintaasi ka jawaabay xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo sheegay in si kasta oo beeshu dareen u qabto aanay haddana ahayn mid si dhib yar uga tagaysa taageerada xisbiga KULMIYE oo aanay ahayn beel fudayd iyo guurguur lagu yaqaano balse ay ku faraxsan yihiin in aanay xisbiyada Mucaaridka ahi waxba ka waayayn ee ay iska baadhbaadhaan beesha, balse taageerada beeshu wali halkeedi taagan tahay, waxaana sidan isugu jawaabay Guddoomiye-ku xigeennada koowaad ee Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE oo isku haleelay madal lagu soo gabagabaynayay beel ka mid ah beelaha Bariga Burco oo shir dhaqan ugu soo gabagaboobay deegaanka Beer ee Bariga Burco.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo isagu weerarka hore qaaday ayaa waxa uu yidhi: “Taageerada KULMIYE ee beesha dood baan ka qabaa oo waxaan leeyahay anoo sababaynaya dooddaa aan ka qabo arrinkaasi. Waxaan qirayaa in beeshani (Bariga Burco) tahay beeshii ugu weynayd ee rukunka u taagtay xukuumadda Axmed Siilaanyo ee talada haysa. Waxaanse aaminsanahay in aan waajibkii ay lahayd aanay xukuumaddu marin. Waxaan qirayaa in aanay cabanin, oo aan marag ka ahay. Aamusnaan iyo xaq-dhowr ayay samaysay beeshu oo ay gobonimo ku dhimatay. Waxaanse leeyahay oo aan ku sababaynayaa arrinkaa in aan qofka Mu’minka ah god laba jeer laga wada qaniinin. Halkan waxa fadhiya Guddoomiyihii xisbiga KULMIYE saaxiibkay Muuse Biixi iyo Guddoomiye ku xigeenkii Maxamed Kaahin, saaka Maxamed Kaahin waxa uu waday dhaqdhaqaaq badan. Beesha waxaan leeyahay xukuumaddan maanta waad dhisteen waanad ku ammaanan tihiin balse waxa la gaadhay wakhtigii aad WADDANI u soo jeedsan lahaydeen.
Hadalkaa siyaasadeed ee kululaa ee ku wajahnaa xisbiga KULMIYE iyo beesha reer Daahir /Bariga Burco waxa ka jawaabay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo beesha ka soo jeeda waxaanu sheegay in beeshan aan looga fadhiyin in ay guurguurto sidaana ugu xidhnaan doonto xisbiga KULMIYE balse WADDANI looga baahan yahay wixii ay ka ruxruxan karaan taageero in ay ka ruxruxdaan, isaga oo arrintaa ka hadlaya Maxamed Kaahin waxa uu yidhi: “Ninkaa aannu saaxiibka nahay ee Muumin Seedna waxa aan leeyahay: ‘Si kastaba wax ha u jiraane qoladani guurguurka ayaanay yar aqoonine laakiin wuxuun ka dhex baadh baadha” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE.