Xisbiga WADDANI Oo Shaki Geliyey Ujeeddada Loo Hakiyey Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha & Deegaanno Ka Mid Ah Gobollada HAWD Iyo Gabiley Oo Ay Ka Sii Socoto
Hargeysa, 31 March, 2016-(SDN/QJ):– Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ku celiyey Go’aanka uu kaga soo horjeedo Go’aan Wada jir ah oo Komiishanka Doorashooyinka, Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo Xukuumaddu ku wada gaadheen in Muddo bil ah dib loo dhigo Diwaangelinta Cod-bixiyeyayaasha, maaddaama oo ay dalka ka jirto abaar baahsan.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Xukuumaddu doonayso inay Dalka kala qaybiso isla-markaana aanay doonayn in Diwaangelinta laga hirgeliyo Gobollada Sool iyo Sanaag.
“Waxa la doonayaa in Somaliland la kala qaybiyo oo aan Sool iyo Sanaag ka dhicin Diwaangelin, Buuhoodle-na hore ayaa looga saaray (Goobaha Diwaangelintu ka dhaceyso), ta laga laga qaylinayo ee la doonayaa waa taa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray,. “Arrintaa waxa Awooddeeda lahaa oo Caalamka iyo Ummadda Somalilandba u igmatay Komiishanka Qaranka, Ummadda waxaan waydiinayaa marka Komiishanka hadalka loo diido Waddanka yaa u talinaya, ma KULMIYE iyo Nin baa Somaliland u talinaya, ma talo Qaran bay noqonaysaa Nin iyo KULMIYE oo isku lifaaqani waxay soo saaraan, Maya, waxaanu doonaynaa in Xukuumaddu Ummadda ka qanciso waxa diwaangelinta qaarna looga wado qaarna looga deynayo Alleybaday, Gabileya, Balligubadle iyo Sallaxley, qaarna looga wado Balligubadle iyo Alleybaday oo isku muuqda?”
Xoghayaha WADDANI oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Dhibaatada AWDAL ka dhaceysaa kama dhaceyso Sool, waana laga qabtay Diwaangelinta ee waxa Maanta loo joojiyaa waa ujeeddo ka fog inta aanu arkeyno. Annagu waxaanu doonaynaa in Xukuumaddu Gurmadka Abaaraha dhankeeda ka waddo, Komiishankuna hawsha Diwaangelinta dhiniciisa ka wado, sidaas ayuu Guddoomiyeyahayaguna aaminsan yahay.”ayuu yidhi.