Xisbiga Waddani oo Ololihiisa Axadda Joojiyey, Kana Hadlay Koox Dhallinyaro ah oo Xalay Weerar Ku Qaaday Guriga Musharrax Cirro & Baaq uu u Diray Taageerayaasha Xisbiga Waddani DAAWO
Hargaysa 28. October 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay inay joojiyeen isu-soobixii ololohooda maalintooda saddexaad oo Axadda Berri ah, isla markaana ay ku beddeli doonaan hawlo samo-fal. Waxa kale oo uu ka hadlay Dhalinyaro Weerar ku qaadday xalay Guriga Musharraxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro oo Askari ka tirsan ilaalada Guriga Musharraxa uu ku dhaawacmay.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxa uu sheegay in Boolisku u xaqiijiyey in ay qaar ka tirsan Dadkii Falkaas geystay ay soo qabqabteen, kuwo kalena Waalidkood u yimaaddeen Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo ay ka raalligeliyeen Weerarka ay Dhalinyaradoodu ku qaadeen Guriga Cirro.
Waxa uu Cabdiqaadir Jirde Taageerayaasha Waddani ugu baaqay gobolkasta iyo degmo kasta oo ay joogaan inaanay wax rabash ah samaynin oo ay kaga jawaabayaan weerarkaas, isla markaana cabashada Waddani qabo loo marayo dariiqooyin Sharci. Dhibaato badan oo laga kacaana aanay jirin, maaddaama oo keliya hal Askari Dhaawac qabo oo aanay dhib intaas ka badani dhicin oo aanay waxba qabin Musharrax Cirro iyo Qoyskiisu toona.
Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo mar uu Maanta Warbaahinta qaar kula hadlay Hargeysa, isaga oo arrimahaas iyo kuwo kale oo Xisbiga Waddani iyo Xafiisyadiisa lagula kacayba, Faafaahin ka bixinaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-