Xisbiga Waddani oo Komiishanka Doorashooyinka ku eedeeyay Taageero Xisbi
Hargaysa 14. December 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa Koomishanka Doorashooyinka Qaranka ku eedeeyay inay Xisbiga Kulmiye ku taageeraan Olole ay sheegeen inay ka bilaabeen Gobolada Bariga Iyo Galbeedka Somaliland.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Uurcade oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in masuuliyiinta Komiishanku xisbiyada ka mamnuuceen Ololaha islamarkaana xisbiga Kulmiye imika ka bilaabay gobolada Galbeedka Somaliland, Taasina ay keeni karto sharci jabin ay Masuuliyiintii xukuumadda ee loo baahnaa inay ilaaliyaan sharciga qaranka.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani waxaa uu sheegay in Olole ay u dhanyihiin xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddii ka socdo Gobolada Galbeedka Somaliland.
“Kuwii sharciga hagaajin lahaa markay diidaan kuwa aan u xilsaarnayn maxaad u malaynaysaa”ayuu yidhi Maxamed Uurcade xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani waxaanu intaasi ku ladhey oo uu yidhi “Ma aqbalayno in guddida Doorashooyinku cid gaarana ilaaliso kuwa kalena si gaar ah wax u siiso, Komishanku arrintaasi (Ololaha Kulmiye Waddo) mawqif cad haka qaato).
Wafti uu hogaaminayo madaxwayne Ku xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa socdaal ku jooga maalmihii u dambeeyay magaalada Boorama, halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay.