|

Xisbiga WADDANI oo ka hadlay Cabbudhinta Saxaafadda Xukuumaddu ku hayso & Heshiiska Xisbiyada DAAWO

Hargaysa 25.June 2015 (SDN/QJ)-:- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay tallaabada Suxufiyiinta Somaliland ka hawlgala loogu diido inay Madaxweynaha Su’aalo weydiiyaan marka uu dalka ka dhoofayo iyo marka uu Safarrada dibedda ka soo laabto oo uu ku tilmaamay cabbudhin lagu hayo madax-bannaanida Saxaafadda.

Sidoo kale, waxa uu WADDANI ka hadlay heshiiska aan weli dhaqangalka noqon ee ay isku raaceen dabayaaqada bishii hore labada Xisbi Mucaarad oo dhinac ah iyo Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE ee laga gaadhay khilaafkii ka dhashay muddo-kordhinta, kaasoo uu Guurtiduna ku gacan-saydheen.

Waxaa qodobbada Warbaahinta kala hadlay Arbacadii Maanta Xoghayaha Saxaafadda ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), waxaanannu warbixinta warkan oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed