“Dawladda Miyaanay Ceeb Ku Ahayn, Waxaanu Ku Heshiinay In Warqad Lagu Soo Qoro Oo Madaxweynuhu Saxeexo” Xisbiga WADDANI DAAWO
Hargaysa 05.Jan 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Dhawrkii Cisho ee u danbeeyay Soo baxayay Warar Sheegaya in Madaxtooyadda Somaliland ay dabada ka riixayso Sidii aanay Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu uga qabsoomi lahayn Gobolka Buuhoodle oo ah Degmo Doorasho oo hoos tagta Gobolka Togdheer.
Sadexda Xisbi Qaran,Komiishanka Doorashooyinka Iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan ku qaatay Todobaadkii Tegay Qasriga Madaxtooyada ayaa la isla qaatay In 16 Bishan Kowaad ee 2016 ay Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu ka Bilaabanto Gobolka Togdheer.
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed oo manta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa xaruntiisa Hargeysa waxa uu ku sheegay in Xukumadda iyo Guddida doorashooyinki ka been abuurteen islamarkaana sheegeen in lagu wada heshiiyay in dib loo dhigo diwaangalinta degmo doorashada Buuhoodle. waxay ku doodeen inaanu mawqifkoodu marna ahayn in Buuhoodle la hoos geeyo Sool.