Xisbiga Waddani oo Jawaab Waafi ah ka Bixiyey aaminaadii ay ku qabeen Maxkamadda sare ee Distooriga ah & Aragtidooda Qaraarkii Shalay ee Khilaafka Golaha Wakiilada DAAWO
Hargaysa 13. August 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa si adag uga hadlay Qaraarkii ka soo baxay Maxkamadda Distooriga ah ee dalka ee Ku Saabsanaa Muranka ka taagan Golaha wakiiladda ee ka dhashay doorashadii Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda.
Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun Xoghayaha Caddaaladda ee xisbiga Waddani ayaa sheegay in Maxkamada distooriga ah loo Gudbiyey Dacwad Maamul oo ku saabsan doorashada muranka dhalisay ee Gudoomiye-nimada golaha Wakiiladda laakiin aan loo gudbin dacwad madani ah amase Idaari oo laba qof oo shacab ahi isku hayaan,Waxa uu xusay in maadaama la galay xili kala guur ay aaminsan yihiin in maxkamada distooriga ah ee sare aanay xor ahayn amase madax bannaanayn.