|

Xisbiga Waddani oo Hay’adaha Sharci dejinta u soo Jeediyay in la Kala Diro Wasaaradda Ciyaaraha DAAWO

Hargeysa 02.June 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sheegay inay Xisbi ahaan soo dhawaynayaan in Calanka Somaliland uu ka dhex muuqdo dalka Abkhaasiya oo uu ka socdo Tartanka dalalka aan la aqoonsan oo ay soo qabanqaabiyeen Xidhiidhka Kubada Cagta ee Conifa world Football Cup .
Xisbiga Waddani Wuxuu u soo jeediyey Golayaasha Sharci dejinta in gebi ahaanba la Tirtiro Wasaarada Ciyaaraha oo ku fashilantay qabashada tartankii gobolada dalka,Isla markaana Qoraalo dhabar jebin ah u dirtay Xidhiidhada Ciyaaraha ee Conifa world Football Cup.

Comments are closed