Xisbiga Waddani Oo Hambalyo U Diraaya Nabada Ay Gaadheen Beelaha Walaalaha Ah Ee Buuhoodle Iyo Qori-lugad.
Hargeysa 10.June 2015 (SDN/QJ)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray nabada ay sida wada-jirka ah u gaadheen beelaha walaalaha ah ee Buuhoodle iyo Qori-lugad oo muddo dheer ay ka dhaxaysay colaadi, waxaana ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin nabada ay isla qaateen iyaga oo tilmaamay in ay tahay mid dan u ah guud ahaanba shacabka reer Somaliland.
Waxaana sidan lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani kuna saxeexan yahay guddoomiyaha xisbigaasi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaana nuqul ka mid ah oo na soo gaadhay u dhignaa sida tan:
War-saxaafadeed:
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xisbiga iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga Waddani meel kasta oo ay ka joogaan gudo iyo debadba, Waxaa uu hambalyo iyo boggaadin u dirayaa Labada beelood ee walaala ah ee mudada dheer colaadu u dhaxaysay ee maanta inta ay caqliga ka shaqaysiiyeen coladii u dhaxaysay ku bedeshay nabad iyo walaalnimo waarta.
Guddoomiyahu, waxaa uu sheegay in nabad dhexmartay Labada beelood ee walaalaha ahi ay tahay mid dhex martay dhammaanba shacbiga Somaliland, waxaana uu sheegay in uu si aada ugu faraxan yahay una soo dhaweynaayo, isaga oo sida oo kalena Illaahay ka baryey in Uu guud ahaan umadda reer Somaliland ka yeelo kuwii ku waara nabad iyo xasilooni.
Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaa uu sida oo kale uu u mahad-naqayaa wax garadka Labada beelood iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay xidhida nabada, waxaana uu ku amaanay odeyaasha beelaha Buuhoodle iyo Qori-lugud, dedaalka iyo xilkas-nimada waayeelnimo leh ay ku xakameeyeen colaadii iyo dilalkii dhacay si nabadana loo xidho.
Waxaan ku boorinayaa bulshada gobolka Buuhhodle iyo Qori-lugad in ay yihiin wiil iyo walaal, cid kastana ay iska xigaan, waa ABTI, INAABTI, EEDO, HABARYAR IYO WALAALO isku dhiiga oo isku dhaqana oo nafta iyo xooluhuba ka dhexeyaan, sidaas darted walaalayaal nabadu waa horumarka ubadkiina iyo degaankiina iyo guud ahaan ummadda Somaliland, Illaahay haynoo siyaadiyo.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani.
Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).