Xisbiga Waddani oo Daboolka ka Qaaday Murashixiintiisa Jagooyinka Madaxweyne iyo Ku Xigeen u Tartami doona,Mas’uul Lagu Dhici Waayay in Lala Loolamo,Xubno Shaaciyey inay Tanaasuleen & Mawqifka Kuwa Tartamaya DAAWO
Hargaysa 12.October 2016 (SDN/QJ):- Guddiga kala-reebista Musharrixiinta u taagnaa inay u tartamaan Jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa shaaca ka qaaday inay kala saareen Xubnihii hankooda shaaciyey, isla markaana Cabdiraxmaan-Cirro loo daayey Musharraxnimada jagada Madaxweynaha, halka jagada Ku-xigeenkana ay ku tartami doonaan laba Xubnood oo keliya oo ay sheegeen inay buuxiyeen Shuruudaha lagu xidhay, Rag intaas ka badanina ay tanaasuleen.
Waxay Xubnaha Guddiga kala-reebista Xisbiga Waddani inay yihiin sheegay sidaas ku sheegeen mar ay Warbaahinta qaarkeed kula hadleen magaalada Hargeysa, waxaanay labada Xubnood ee Jagada Ku-xigeenka ku tartami doona Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas oo u muddaysan 19-ka bishan inuu Hargeysa ka furmo ku sheegeen Axmed Muumin Seed iyo Dr. Maxamed Cali Cabdi, halka Guddoomiyaha Xisbigaas Cabdiraxmaan-Cirro aanay cidi kula tartami doonin Jagada Musharraxa Madaxweynaha sida ay Guddigu sheegeen.
Waxaannu Hadalka Xubnaha Guddiga iyo weliba Musharixiinta tartami doona oo jagada Ku-xigeenka laba ku-tartami doonaan, halka Cirro aanay cidi la tartami doonin, idiinkus oo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-