|

Xisbiga Waddani oo Canbaareeyay Hadal uu Madaxweyne Siilaanyo ku Sheegay in Wasiir Xirsi uu yahay Wasiirka Wasiiradda

Hargaysa 09.Sep 2014 (SDN/QJ)- ku simaha Gudoomiyah Xisbiga WADDANI ahna Gudoome ku xigeenka 1aad Md.Axmed Muumin Seed ayaa Maanta Jawaab ka Bixiyay Hadal uu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay in Wasiirkiisa Madaxtooyadu uu yahay Wasiirka Wasiirada oo Macnaheedu Noqonayo Kolka la eego Qaab dhismeedka Wadamada Dimuquraadiga ah Raysal Wasaare hasa yeeshee Xisbiga Waddani ayaa sheegay inay arrintaasi tahay Sharci daro iyo Ku Xad Gudub distoor.
Axmed Muumin SeedQoraalkan oo Nuqul ka mid ahi soo Gaadhay Shabakada Qurbejoog.com ayaa u dhignaa Sidan:- Somaliland waa dal dimuqraadiyad ku dhisan  maadam oo madaxweynaha iyo madax weyne xigeenku si isku mida loo soo doorto oo midna midka kale aanu xilka ka qaadi Karin  madaxweyne Ahmed siilaanyowuxuu ku dhawaaqay Ra’iisal wasaare (wasiirka wasiirada) kaas oo aha sharci daro isla markaana xadgudub ku  aha dastuurka iyo shauruucada dalaka islamarkaana ka hor imanayasa saami qaysbiga Somaliland ku soo caano maashay
Somaliland waa loo so dhintay  maantana waxay tagan tahay in la difaaco oo markale loo dhinto si umada looga kor qaado nidaamka kaligii taliska ah ee wadaadada  xagjirka ah lagu wareejiyey
Waxaan bulshada ugu baaqaya in ay codkooda iyo cuudkoodaba ay mideeyaan Xukun qarqooshka  ahna iska dulqaadan
Madaxweyne   siilaanyo iyo inta ka agdhawi dalkii way burbuiyeen bariga dalaka sidaad wada ogtihiin  waxaa dowlad ka samaystay  Cali khaliif Galaydh  xukumada Siilanyana  way   ku saaciday, galbeedkana waxa lagu khasbayaa  inuu samaysto maamul goboleed aanu rabin.
1.     Mar hadii salaadiintoodi  la dhaqaysan waayey
2.     Madaxwyne ku xigeenkiina xilkisii cid kale loo magacaabay ( wasiira wasiirada)
Madaxweyne  siilaanyo iyo qaraabadiisu caqliga dadka ayey ku ciyaarayaan dadka iyo dalkana way kala dirayaan si aan  loola xisaabtamin  mustaqbalka
Afka carabiga  waxaa lagu yidhaa Ra’iisal wasaare ingirsigana Prime minister somlilgana wasiirka wasiirada  ama wasiirka koobad  sidii madaxweynuhu ka shaaciyayey warbaahinta  wuxuu u magacaabay Xirsi xaaji Cali  Ra’iisal wasaare sharci daro ah loona baahan yahay in lagula xisaabtamo Madaxweynaha oo baarlamanka shacabka matalaan ku inbiij gareeyaan inta aanay bulshada gaadhin  in ay gacanta iskula tagaan.
Madaxweyne cid aqbalaysaana ma jirto madaxweyne , gudoomiye guurtida, iyo Ra’iisalwasaare ilamadeera ah
Somaliland aqbali mayso kumana sii jiri karto qaraabo kiil iyo isku dul noolaansho baal marsan awood qaybsigii soomaliland ku heshiisay ee shirwaynihii ka dhacay boorama
 waxaan cod dheer ugu sheegaynaa siilaanyo iyo Saleebaan Maxamuud Aadan gudoomiyaha guurtida  oo aan leeyahay ka qabta nimanka calooshooda u shaqaysta yaasha ah ee aad adeerka u tihiin,  umada Somaliland idinka waxaan idin leeyahay ku karaamo seegte Hogaaminta Jamhuuriyada Somaliland ee ha aas Qaran seegina  Da’daad joogtaa dunuubta ayey iska dhawrtaa ee u tudha dadka iyo dalka aad isu kaashateen dumintiisa ee cabudhinta, Afduubka, Xasilooni darada, ee Cadaalad  Darada qaawani Hoyga u noqotay WAAR ILLAHAY IYO ADOOMIHIISA KA BAQA
Md.Axmed Muumin Seed

ku simaha Gudoomiyah Xisbiga WADDANI ahna Gudoome ku xigeenka 1aad

Comments are closed