Xisbiga WADDANI oo Cambaareeyey Xadhigii Loo Geystay Xidhibbaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Degmada Saylac DAAWO
Hargaysa 11. June 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si adag u cambaareeyey xadhig loo geystay qaar ka mid ah xildhibbaanada golaha Deegaanka degmada Saylac, waxaana uu tilmaamay in qaabka ay u dhaqmayso Xukuumaddu ay tahay mid burburinaaya sida oo kale dhawaacaya hanaanka siyaasaddeed iyo dimuqraadiyaddeed ee dalka.