Xisbiga WADDANI Oo Cambaareeyay Suldaan Ciidamada Amaanku Xabsiga U Taxaabeen
Hargaysa 27.Aug 2015 (SDN/QJ)- Guddiga Xisbiga waddani ee Gobolka Maroodi jeex, Garabada haweenka iyo Dhalinyarada iyo dhamaan taageerayaashu, waxay si kulul u canbaraynayaan Xadhiga sharci darrada ah ee lagula kacay Suldaan Cabdiraxiim Saxardiid Kaahin oo ciidanka Boolisku u taxaadeen xabsiga kuna xidhan Saldhiga Booliska ee Degmadda I. Kood Buur ee Caasimada Hargeysa.
Suldaanka oo maalintii shalay ahayd munaasibad dhaqan oo si weyn loo soo agaasimay loogu caleemo saaray magaalada Hargeysa, iyadoo suldaanku ku yimid doonida beeshiisa iyo qaabkii loo mari jiray caleemo saarka sulaadiinta dhaqanka.
Waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumadda in suldaanka loo soo celiyo xoriyadiisa isla markaasina laga waantoobo xadhiga iyo tacadiyada sharci darrada ah ee lagu hayo muwaadiniinta aan waxba galabsan.
Allaa Mahad Leh
Md. Siciid Muuse Cabdi- Bustaale
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodijeex