|

Xisbiga Waddani oo booqasho ugu tegay masuuliyiin Baki kaga xidhan

Hargeysa 21 Aug, 2022 (QJ)- Masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa magaalada Baki ku booqday saraakiil ka xidhan xisbiga iyo taageerayaal weheliya, iyadoo deegaankani ku yaalo galbeedka Somaliland gaar ahaan gobolka Awdal.

Gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa qoraalkan faafiyay goor dhawyad:

“Aniga iyo musuuliyiin sare oo Xisbiga Waddani oo ugu horreeyo murashaxa madaxweyne kuxigeen ee Xisbiga Waddani, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo guddoomiye kuxigeenka Xibsiga, Marwo Milgo Maxamed Sanbalaooshe waxa aannu maanta booqasho ugu tagnay masuuliyiinta xisbiga Waddani ee muddada labada todobaad gaasdaysa ku xidhan jeelka degmada Baki ee gobolka Awdal.
Masuuliyiintan oo kala ah xoghayaha ciyaaraha ee Xisbiga Waddani, guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Xisbiga iyo xubno ka mid ah golaha dhexe ayaa waxa si sharcidarro loo soo xidhay maalmo kooban ka hor bannaanbaxyadii silmiga aha ee 11 Ogos, 2022, ilaa haatanna sifo sharciga iyo xeerarka dalka baal marsan ayaa xabsiga loogu hayaa.”
Masuuliyiinta ka xidhan mcuaaradka Somaliland ayaa laga fogeeyay eheladooda iyadoo bari iyo galbeed lagu kala xidhay.

Comments are closed