Xisbiga Wadani oo dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo Xeerka lagu soo Xulo Komiishanka Doorashooyinka {DHAGAYSO Afhayeenka Xisbigaas}
Hargaysa 09.Sep 2013 (SDN)- Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo xeerka lagu soo xulo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, taas oo uu sheegay inuu Sharcigu dhigayo
Afhayeenka oo maanta Waraysi siiyay Telefishanka Somalia Channel Waxa uu sidoo kale xusay in Xeerarka iyo Shuruucdda dalka u yaala ay dhigayaan in Doorashooyinka lagu galo Diwaangelin.
Ibraahim Mahdi Buubaa Afhayeenka Xisbiga WADDANI Wuxuu Intaas ku daray waxa kale oo uu sheegay in Golaha la baxay Madasha Wadda-tashiga iyo toosinta ay maalinta Arbacadda ee Todobaadkan ay xisbi ahaan Kulan is xog-waraysi ah yeelan-doonaan.
Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka afhayeenka Waddani
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Ibrahinbuubi9.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com