|

“Xisbiga Ucid Waa Hanti Qaran Ee Maaha Xisbi Nin Leeyahay” Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil

Hargaysa 30. Decembar 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Gobolka Saaxiil ee xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Rooda Axmed Yaasiin, ayaa xukuumadda ugu baaqday inay faragalinta ka dayso xisbiga Ucid. Isla markaana waxay sheegtay haddii xukuumadu faraha kala bixi waydo xisbiga ay xukuumad ahaan iyo xisbiyo ahaanbaa ay albaabka ka wadda bixi doonaan oo dib loogu noqon doonno halkii laga soo guuray.

rooda-axmed-yaasiinMarwo Rooda Axmed Yaasiin sidoo kale waxay farriin waano ah u dirtay Murshaxa xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe.

Rooda Axmed Yaasiin iyadoo arrimaha ka hadlaysa waxay tidhi “Xisbiga Ucid ma noqon doono xisbi, mana yeeli doono xisbi loo qalo ama lagu sadqeeyo xisbiyo  kale inuu noqdo ayaa la doonaya, kamana yeelayno oo xukuumadu faraha ayay kula jirtaa, gacanta ugu wayn bay kula jirtaa. Xisbiyadda kalena kama madhnaa, waxaanu leenahay xisbiyadda qaranku waa saddex xisbi oo isku dheelitiran, ninka maanta ku naaloonaya xisbiga xisbig baa meesha ka baxaya oo adiga ku hadhaya, waxaan leenahay saddexda xisbi way isku xidhan yihiin, marka waxay noqonaysa wixii aynu ka soo guurnay dhammaanteen in aynu dib ugu noqono.”Ayay tidhi Marwo Rooda Axmed Yaasiin, waxayna hadalkeedii sii raacisay “Xisbiga Ucidna waa asad ay umadu leedahay, waa hanti qaran, xisbi nin leeyahay maaha, waana xisbi qaran oo umadi ku bahawday. Waxaanu uga digayna xukuumadda Siilaanyo, maadaama ay xisbigii UDUB ee dalka abaalka ku lahaa baabi’isay in aanay noqonin inay Ucid ku tijaabiso xisbigii labaad ee ay baabi’iso. Haddii ay dhacdooyinka dib uga waantoobi waydanna in aan xukuumadda iyo labadda xisbi ee kale midna aanu jiraynin.”

Sidoo kale, Marwo Rooda Axmed Yaasiin ayaa farriin waano ah u dirtay Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe “Labadda oday nin waliba aqoontiisa iyo garaadkiisa mid walba wuu leeyahay odaynimadiisa. Waxaan leeyahay maanta waad aragtaan waxa huryo idiin kulaalaysaa, waxa loo baahan yahay in marxaladda xisbigu ku jiro maanta laga saaro oo aad gacmaha is-qabsataan, xisbiga Ucidna noqdo xisbi sannadkan golaha yimaada ee ka hela baarlamaanka xubnaha ugu badan”ayay tidhi Marwo Rooda Axmed Yaasiin.

Comments are closed