|

Xisbiga Ucid oo Xubinimadii Xisbigooda ka Qaaday Axmed Aadan Kayse

Hargaysa 21.Dec 2013 (SDN)- Xisbiga Ucid ayaa Shir ay maanta yeesheen waxay Xubin nimadii Ka qaadeen Axmed Aadan Kayse oo hore u ahaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid balse iska Casilay.

Axmed-KayseWarsaxaafadeed uu ku Saxeexan yahay Ku Xigeenka Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga Ucid   Md: Xuseen Xasan Badmaax  ayaa u dhignaa Sidan :- Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ucid Waxaa Maanta Oo Taariikhdu Tahey 21/12/2013 Shir Ay Isugu Yimaadeen Gudida Fulinta Iyo Xubno Ka Mid Gudida Anshax Marinta Xisbiga Ucid  Warbixin Dheer Iyo Dood Gaaban Ka Dib Waxa ay Xubinimadii Ka Qaadeen Axmed Aden Keyse Oo Hore U Ahaan Jirey Xoghayihii Guud Ee Xisbiga Balse Dhawaan Iska Casiley,Lagana Aqbaley

Axmed Keyse Oo Mudooyinkan Danbe Ku Kacayey Talaabooyin Ka Dhan Ah Xisbiga Ucid,Maalmahan U Danbeeyeyna Si Is Daba Joog Ah Ugu Kacayey Falal Xad Gudub Ku Ah Xeerarka Iyo Nidaamka Xisbiga Ucid

Hadaba waxa Uu  Axmed Keyse  si cad oo  badheedh ah u jebiyey xeer hoosaadka xisbiga

UCID Qodobadaas Oo Kala Ah:-

,Qodobka 7 aad,Farqadiisa,1,2,4,8  ——– Qodobka 8 aad Farqadiisa 3aad

  Qodobka 35aad Farqadiisa 1 aad Xarfihiisa a,b,c

Sidaa awgeed Waxaanu Warbaahinta La SocodSiineynaa In Aanu Sheegan Karin Xisbiga Ucid Isla Markaana Aanu Matali Karin Xisbiga Ucid

Cida Ku Qaabishana Xisbiga Ucid U Aqoonsan doono Cid Qawaaniinta Iyo Shuruucda Xisbiga Ucid Ku Gaftey

Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Isaga Oo Ixtiraama Weyn U Haya Ninkaa Odeyga Ah Waxaa Uu Ku Waaninayaa In Aanu Sheegan Karin Xisbiga Ucid.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

 


Comments are closed