Xisbiga UCID oo ummadda ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Waqaf
Hargeysa Jan 09,2012(qurbejoog.com)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta war uu soo saaray Tacsi ugu diray ummadda reer Somaliland geeridii naxdinta laheyd ee ku timi mid ka mida hogaankii xisbigaasi Md Aadan Mire Waqaf.
Ujeeddo: Tacsi
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Dhamaan Guddida Fulinta, Xubnaha G/Dhexe, G/Haweenka, G/Dhalinyarada iyo dhamaan Xubnaha kale ee Xisbiga UCID waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Hogaankii hore ee Xisbiga UCID
Marxuum Aadan Maxamed Mire Waqaf
Waxaanu Eebo uga baryaynaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo dhamaan ummada reer Somalanadna samiir iyo Iimaan saadiqa ka siiyo gaar ahaan Qoyskii, Ehliyadii Qaraabadii uu ka baxay Marxuumku.
Aamiin Aamiin Aamiin
أنا لله وأنا إليه راجعون