Xisbiga Ucid Oo Si weyn U Dhaleeceeyey Tallaabada Taliyaha Ciidanku Kula Wareegay Xarunta Wargeyska Hubaal
Hargeysa:15-Dec-2013(SDN)-Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Somaliland ee Ucid, ayaa si weyn u cambaareeyey tallaabadii Taliye Fadal markii labaad Albaabada ugu laabay wargeyska Madaxa Bannaan Ee Hubaal.
Xibiga ayaa sheegay inaan loo dulqaadan Karin tallaabooyinka Noocan oo kale ah ee had iyo goor lagu waxyeelaynayo wariyayaasha iyo Hay’adaha madaxa Bannaan ee waddanka ku yaalla, iyadoo muddooyinkii dambe wariyayaasha si weyn dhibaatooyin loogu geysanayey.
War-saxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Xisbiga Ucid Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa u dhignaa Sidatan:
WAR SAXAAFADEED
Ujeedo/Canbaareyn Aad U Xoogan Xadhiga Wargeyska Hubaal
Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee Ucid Waxaa Uu Si,aan La Soo Koobi Karin U Canbaareynayaa Falkii Badheedhka,Awood Sheegashada iyo Indhala,aanta isla Markaana Markhaatiga U ahaa In Aan Xukuumada Maanta Talada Haysaa Dastuurka Iyo Xeerarka Dalka Midna Ixtiraameyn
Iyada Oo Waliba Adeeg Saneysa Ciidamadii Loogu Tala galey In Cadawga Iyo Argagixisada Ay Ka Hortagaan
Falkaas Oo Ahaa mid Soo Noqdey Marlabaad Oo Awood Ciidan Lagula Wareegey Xarunta Wargeyska Hubaal Sifo Sharci Daro Ah,Sidoo Kalena Xidhey Laba Wariye Oo Ku Sugnaa Xarunta Wargeyska Hubaal
Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu Cod Dheer Ku Canbaareynayaa Falkaa Foosha Xun Ee Baal Marsan Dhamaan Shuruucda Dalka Somaliland Oo Imika Xukuumada Talada Haysaa Caadeysatey
Sidaa Daraadeed Waan In Xukuumadu Si Deg Deg Ah Xoriyadoodii U Soo Celisaa Labada Wariye Ee Sifaha Xaaraanta Ah Ku Xidhan Isla Markaana Faraha Ka Qaadaan Xarunta Wargeyska Hubaal
Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Waa Uu Ka Tashan Doonaa Dhacdooyinkan Soo Noq Noqonaya Ee Ka Hor Imanaya Xeerarka Dalka,Waxaana Uu Ka Soo Saari Doonaa Go,aan .
Xoghayaha Arimaha Bulshada Ee Xisbiga UCID