Xisbiga UCID oo Kalsoonidii Kala Noqonaya Guddida Anshaxa ee Komishanka Doorashooyinka Laba Cisho Kadib & Galdaloolooyin ay soo Bandhigeen DAAWO
Hargaysa 07. July 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa sheegay in gebi ahaan ba ay kalsoonidii kala noqdeen guddida anshaxa u qaabilsan Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo ay sheegeen in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada eedo ay sheegeen in Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI ay si caadi ah u wadaan ololeyaal siyaasaddeed iyada oo aan la gaadhin wakhtigii Doorashada.
Xoghayaha Warfaafinta UCID oo la hadlaayey warbaahinta, ayaa sida oo kale ku hanjabay in haddii Komishanka Doorashooyinka laftoodu ay arrintaas wax ka qaban waayaan ay iyaga na kala laaban doonaan kalsoonidii ay u hayeen.