|

Xisbiga Ucid oo Habacsanaan ku Sifeeyay Hawl qabadka Gudida Doorashooyinka Qaranka

Boorama 05.Jan 2015 (SDN/QJ)- Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa ku taliyay Suldaanka buuraha galay ee Suldaan Wabar in arrintiisa loo dhiibo Guurtida, isla markaana la furo gogol nabadeed, sidaa wuxuu ka sheegay

mar uu shalay safar shaqo ku tagay Gobolka Boorama, halkaas oo uu warbaahinta kula hadlay, waxanuu yidhi “Guddida doorashooyinku ee cusub  ilaa imika wax dhaqdhaqaaqa iyo wax tallo ah oo ay axsaabta ugu yeedheen ma jirto,waxaan xasuusinayaa inuu wakhtiga doorashooyinku cidhiidhi yahay,…waxaan ka sugaynaa (Komiishanka), inay sida ugu dhakhsaha badan Axsaabta ugu yeedhaan”

“Wax nabadgelyo darro ah oo ka taagan Gobolka oo ciidamo lagu xoojiyaa ma jirto, waxaan soo jeedinayaa inaan ciidamada lagu dhibaateynin oo xoogna la isku dayin.Suldaanka baxayna (Wabar) arrinkiisa ha loo dhiibo Guurtida, oo ha  la furo gogol nabadeed, tabashaduna waxay ahayd wax jira oo lagaga hadlay madaxtooyada dhexdeeda…”

Comments are closed