Xisbiga Talada Somaliland Haya ee Kulmiye oo Sicir Bararka Dalka Ka Taagan eedeeda dusha ka saaray Culimadda & Kacdoon Shacab oo ay Iclaamiyeen!!! DAAWO
Hargaysa 11. April 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Kulmiye ayaa ku eedeeyay Culimada Somaliland inay Mas’uul ka Yihiin Sicir bararka Xadhkaha Goostay ee ka taagan Somaliland Kaas oo Saamayn Culus ku yeeshay nolosha bulshada,Maadaama Shilling Somaliland uu Hoos u dhac Laxaadlihi ku Yimid Isla markaana ay Lacagta Dollarku Cirka isku Shareertay Waxaanu Xisbiga talada haya ee Kulmiye sheegay inay arrintan sababteeda ay leeyihiin Culimada oo ka soo hor jeeda Xeerka Bangiyada.