|

Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye ayaa Magacaabay Xubno Musdanbeed ah oo kala taliya arrimaha Saxaafadda DAAWO

Hargaysa 09. September 2017 (SDN/QJ):-Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Ibraahin Mahdi Buubaa oo Maanta Kulan Warbaahineed ku Qabtay Xafiiska dhexe ee Xisbiga Waddani ayaa Sheegay in Xukuumadda Iyo Xisbiga Kulmiye ay bilaabeen Olole Qayru Sharci ah Iyagoo adeegsanaya Miisaaniyadii dalka.

Afhayeen Buubaa waxa kale oo uu Cadeeyay in Xisbiga Kulmiye uu Kudlad kala talisa arrimaha Warbaahinta oo Musdanbeed u noqota uu sameeyay Waxaana Xubnahaas ka mid ah Suxufi Yoonis Cali Nuur,Suxufi Xuseen Aw Jaamac Xagar,Suxufi Maxamud Ducaale Iyo Weriye Axmed C.raxmaan Xirsi Heelo.

 

Comments are closed