|

Xisbiga Ra’iisul wasaaraha Jaban oo ku qaaaray doorashadii barlamanka ee ka dhacday dalkaasi

Tokiyo Dec 17 2012 (SDN)- Xisbiga mucaaradka dalka Jaban ee LDP ayaa guul ka soo hooyay doorashooyinka barlamaaniga ahaa ee ka dhacay dalkaasi taasi oo keneysa in muddo dheer kadib uu dib ugu soo laabto hogaaminta Awooda barlamanka dalka Jaban.

Sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Jaban xibigan oo aan sadaxdii sano ee la soo dhaafay wax awooda ku laheyn barlamanka dalkaasi ayaa waxaa la filayaa in hogaamiyahooda Shinzo Abe uu noqdo Ra’iisul wasaraha soo aadan ee dalkaasi.

Yoshihiko Noda Ra’iisul wasaraha dalka Jaban oo laga awood roonaaday Xisbigiisa DJP ayaa waxa uu ku dhawaaxa in uu iska casilayo hagaaminta xisbigaasi, sabab la xiriirta natii jadii xumeyd ee uu ka soo hooyay doorashada Barlamanga dalka Jaban.

Xisbiga Mucaaradka LDB aya helay 95-kursi 255ta kursi ee loo tartamaya sidoo kale xisbiga Ra’iisul wasaaraha hada talada haya Yoshihiko Noda ayaa iyaguna helay 39-kursi.

Xisbigan ayaa sii wadi doono siyaasada ku aadan jasiiradaha lagu muran sanyahay ee Jaban iyo Shiinaha iyadoo durbaba Shinzo Abe uu tilmamay in jasiirada lagu muran sanyahay ay leeyihiin dadka Jaban.

SDN-Tokiyo

Comments are closed