|

Xisbiga Mucaaridka ee Waddani oo Soo Bandhigay Sawirada Garsoorayaal ka Tirsan Maxkamadaha Somaliland oo Ku Jeeni qaaran Astaanta Xisbiga Kulmiye & Gef Sharci oo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Galay DAAWO

Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Haldoor Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay inay tahay gef sharci in xubno ka mid ah Bah’da garsoorku ay u ololeeyaan xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Xoghayaha Caddaalada ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Waxa uu Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ku duray Qoraal uu ku faafiyey Warbaahinta isla markaana uu ugu digayo xubnaha Garsoorayaasha ah ee u banbaxay ololaha Xisbiga Kulmiye isagoo sheegay in Xeerka nidaamka Garsoorku uu Waajibinayo in Garsoorihii fal noocan oo kale ah ku kaca ay ka fadhiistaan Guddida Caddaaladu isla markaana ay Shaqada bannaanka ka dhigaan.

Xoghayuhu waxa uu ku dooday inay weli Gudoomiyaha Maxkamadda Sare uga fadhiyaan inuu qaato qaraarka sharcigu dhigayo isagoo ku hanjabay in hadii uu talaabadaas samayn waayo ay Go’aan xisbi ahaan ka qaadan doonaan aaminaadii ay ku qabeen Maxkamadda sare maadaama la galayo Marxalad doorasho oo ay Waajib tahay inuu Garsoorku dhex ahaado.

Comments are closed